Home Wararka Odayaasha Iyo Waxgaradka Ka Soo Jeeda Beesha Ciidagale Iyo Gudoomiye Faysal Cali...

Odayaasha Iyo Waxgaradka Ka Soo Jeeda Beesha Ciidagale Iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Isla Gartay In Khilaafka Xisbiga Lagu Dhameeyo Sharciga Xisbiga Ucid Iyo Gudoomiye Faysal Oo U Cadeeyay In Aanu Ahayn Murashax

24
0
Odayaasha Iyo Waxgaradka Ka Soo Jeeda Beesha Ciidagale Iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Isla Gartay In Khilaafka Xisbiga Lagu Dhameeyo Sharciga Xisbiga Ucid Iyo Gudoomiye Faysal Oo U Cadeeyay In Aanu Ahayn Murashax

faysal_kjHargaysa(UCID-Media Group)- Waxaa maanta Magaalada Hargaysa ku kulmay Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda Beesha Ciidagale iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe .

Kulankan oo lagaga hadlay Khilaafka Xisbiga Ucid iyo sidii loogu heli lahaa Xal lagu furdaamiyo ayaa waxay odayaashan iyo Gudoomiyuhu is waydaarsadeen Doodo la xidhiidha Khilaafka Xisbiga Ucid waxaanu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Odayaasha iyo Waxgaradka u cadeeyay in aanu ahayn Murashax .

Odayaashan iyo Waxgaradkan ayaa dhankooda sheegay in mar Hadii ay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka xaqiijiyeen in aanu Ahayn Murashax aanay intaa u dhaafeen Hawlaha Xisbiga ee ay wixii khilaaf ah ee jiraa lagu kala bixi doono Shuruucda iyo Xeerarka Xisbiga .

Sidoo kale waxay sheegeen in Golaha Dhexe u taallo in ay Murashax Jamaal Cali Xuseen u Daynayaan Murashaxnimada iyo in kale .

Geesta Kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa meesha ka saaray in Xisbiga ay wada leeyihiin Laba Beelood oo kaliya balse uu Xisbigu yahay Xisbi Qaran oo u dhaxeeyaa Somaliland sidaas dareedna bu yidhi Golaha Dhexe lagu tartami Doono iyadoo la eegayo Danta Xisbiga iyo sida uu ku soo bixi karo Xisbigu .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here