Home Wararka Musharaxa Madaxwene Ee Xisiga UCIDMudane Jamaal Cali Xuseen Oo Balanqaaday In Uu...

Musharaxa Madaxwene Ee Xisiga UCIDMudane Jamaal Cali Xuseen Oo Balanqaaday In Uu Dhisi Doono Dugsi Lagu Barto Saxaafadda

19
0

Musharaxa Madaxwene Ee Xisiga UCIDMudane Jamaal Cali Xuseen Oo Balanqaaday In Uu Dhisi Doono Dugsi Lagu Barto Saxaafadda.

2015-12-19 16.10.52

Hargeysa(UCID-Media Group) Musharaxa madaxtinimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa balanqaaday in uu saxaafadda u dhisi doono dugsi ay wax ku bartaan marka uu ku guulaysto madaxtinimada Dalka.

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa hadalkaas ka sheegay xafladd telefishanka HCTV oo ku xusayey laba wariye oo lagaga dilay Muqdisho iyo Puntland, iyo mid sadexaad oo shil baabuur kaga dhintay jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa.

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay saxaafadda inay mucaaradku taageeraan hase yeeshee saxaafadda laftigeeda marar badan uu xisbiga Kulmiye usoo adeegsado, taasoo uu ku taliyey inaanay saxaafaddu u kala hiilin siyaasiyiinta.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay suxufiyiintu inay ka wanaagsan yihiin siyaasiyiinta, isagoo tusaale usoo qaatay saxaafaddu inay is-taageerto, halka uu sheegay siyaasiyiintu inay is reebaan oo isku cadaw yihiin.

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu saxaafadda ugu baaqay inay isku hawlaan baahinta barnaamijyda bulshada waxa taraya, isagoo uga digay inay dadka siyaasadd ku mashquuliyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here