Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Deegaanka Oog Ee Gobolka Sool .

Filed under: Wararka |
Facebooktwitterredditpinterestlinkedinmail

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Deegaanka Oog Ee Gobolka Sool .

 

 

Waxaa maanta si Balaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanka OOG Ee Gobolka Sool Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Murashaxa ayaa soo dhawayn aad u balaadhan kala kulmay shacabka Deegaankaasi, kuwaas oo iyagu iskood isu abaabulay .

Waxaana uu Murashax Faysal Cali Waraabe u jeediyay khudbad, isagoo sheegay in ay u socdaan ka qeyb galka xafladda Daah-furka Qaadashada kaadhka codaynta oo maalinta barri ah ka furmaya Gobolada Sool iyo Sanaag .

Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa carrabka ku adkeeyay in aanay u socon olole, balse u socdaan sidii ay bulshada ugu wacyigalin lahaayeen qaadashada kaadhka codaynta .

Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa Taageero dhab ah oo aan dhalanteed ahayn ka haysta bulshooyinka ku dhaqan Gobolada Bari Ee Somaliland .

 

 

Share this:

Share With

rssyoutube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *