Home Wararka Munaasibadda Midawga Isbedel-Doonka Somaliland Ee Samadoon Iyo Xisbiga UCID Oo Maanta Ka...

Munaasibadda Midawga Isbedel-Doonka Somaliland Ee Samadoon Iyo Xisbiga UCID Oo Maanta Ka Dhacday Maansoor Hotel Ee Hargaysa .

13
0

 

Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ergooyin isaga kala yimid Gobolada Somaliland oo ka socday Dallada Sama-Doon ee isbedel-doonka ah, Masuuliyiin ka socday Xisbiga UCID, DHalinyaro, Taageerayaal iyo Marti sharaf kale .

Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadlay Xubno ku hadlayay afka Dallada Isbedel-Doonka ah Ee Sama-doon, waxaanay ka warameen ujeedoyinkii ugu muhiimsanaa ee loo aasaaday Ururkan, iyagoo sheegay in Ururkan ay ku bahoobeen Dhalinyaro Aqoonyahan ah oo isbedel-doon ah .

Sidoo kale Waxay sheegeen in Dhalinyaradani ay ku midoobeen Mabda’a, kaas oo ah in dalka uu ka dhaco is beddel .

Dhalinyaradan ayaa Cod-dheer ku sheegay in ay dalka la rabaan is beddel togan, isla markaana ay go’aansadeen in ay ku biiraan Xisbiga UCID oo ay sheegeen in ay u arkeen In uu yahay Xisbiga Kaliya ee is beddel caafimaad qaba dalka ka dhalin-karaa .

Ugu danbeen Waxay halkaasi ka caddeeyeen in ay maanta wixii ka danbeeya ay cududdoodi ku biiriyeen Xisbiga UCID .

La Taliyaha Gudoomiyaha ee dhinaca Shareecada Sheekh Abu Sufyaan, Xog-hayaha Dhalinyarada C/casiis Xuseen ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaanay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyeen Dhalinyaradan isbedel-doonka ah .

Xafladaasi waxaa soo gunaanaday Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaanu bogaadiyay Dhalinyaradan, isagoo sheegay in Garabka Dhalinyarada Ee Xisbigaasi uu ku wareejin Doono Dalladda Sama-Doon ee Isbedel-doonka ah .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dalku u baahan-yahay Isbeddel, waxaanu ka warramay oo uu ku dheeraaday Xaaladda uu dalku ku suganyahay, Caqabadaha iyo duruufaha ku gadaaman, iyo sida looga bixi karo .

Ugu danbeen Xisbiga UCID iyo Dallada Sama-Doon ayaa kala saxeexday Heshiis, iyadoo xafladduna ay ku soo dhamaatay Jawwi Degen .

 

 

IMG_7899 IMG_7901 IMG_7902 IMG_7903 IMG_7904 IMG_7905 IMG_7906 IMG_7907 IMG_7926 IMG_7936 IMG_7943 IMG_7947 IMG_7949 IMG_7965 IMG_7970 IMG_7971 IMG_7982 IMG_7984 IMG_7994 IMG_7997 IMG_8003 IMG_8009 IMG_8010 IMG_8011 IMG_8012 IMG_8013 IMG_8016 IMG_8024 IMG_8033 IMG_8044 IMG_8050 IMG_8074 IMG_8077 IMG_8114 IMG_8118 IMG_8123 IMG_8133 IMG_8135 IMG_8136 IMG_8137 IMG_8146

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here