Home Wararka Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Xisbiyada Iyo Madaxweynaha

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Xisbiyada Iyo Madaxweynaha

17
0

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Xisbiyada Iyo Madaxweynaha

Hargeysa (UCID-Media Group) Kulanaka oo ahaa mid aanay saxaafadu dibad joog ka ahayd , waxay masuuliyiinta saddexda Xisbi qaran ee  ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE , kaga wada hadleen  sidii xal loogu heli lahaa doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee hore loo qorsheeyay inay Dalka ka dhacaan 13-ka bisha December ee sannadkan 2019-ka, sida uu sheegay Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Mr.Abyan oo Saxaafadda la hadlay markii kulankaasi dhamaaday.

 “Kulankaasi wuxuu ahaa is xog-waraysi, kalsooni dhisid, muddo ayaa la kala maqnaa, welina kulamadii way noo socdaan, si wanaagsana wax waanu iskula soo dhawaynay, kulamaduna way noo socdaan iyagoo intan ka koob-kooban.” Ayuu yidhi, Prof. Abyan oo la hadlay saxaafada markii kulanku dhammaaday.

 “Waxaanu ka wada-hadalnay doorashada iyo sidii looga wada qaybgeli lahaa, waanu is xog-waraysanay, waanu doodnay, si wanaagsan oo deggan, nadiif ah oo ilbaxnimo ku jirto, welina way noo socdaan.” Ayuu yidhi, wuxuuna isagoo arrintaa kasoii hadlaya yidhi, “Waxaanu u sheegaynaa Bulshada inaanu heshiis ku nahay qabsoomidda doorashada, 13-ka bisha December, 2019, welina aanu ku jirno Waddadii loo mari lahaa dooddeeda iyo qaabkii doorashadu u dhici lahayd..”

Prof. Abyan oo warbaahintu damacday inay wax ka weydiiso , waxa ay ilaa hadla isla qaateen waxyaabihii muranka ugu baddan ka taagnaa, ayaa sheegay in aanay hadda diyaar u ahayn su’aalo la xidhiidha arrintaa, maadaama sida uu sheegay ay kulamadu yihiin kuwo bilaw ah oo aan waxba weli laysa meel dhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here