Home Wararka Guddmiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo War Ka...

Guddmiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo War Ka Soo Saarey Shirkii Xisbiyada Iyo Madaxweynaha

17
0

Guddmiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo War Ka Soo Saarey Shirkii Xisbiyada Iyo Madaxweynaha

Hargeysa (UCID-Media Group )Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Xisbiga Ucid Faysal Cali Xuseen oo BBC-da waraysi siiyey ayaa sheegay in ay ergadii saddexda xisbi ee ee wadahadallada yeeshay ay khilaafka intiisii badnayd xalliyeen.

“Waxa ka soo baxay wax fiican, qodobadii la isku khilaafsanaa baa in badan la isku af-gartay, ilaa laba qodob baa hadhsan oo aanu doonayno Insha Allaahu in aan si niyadsami ah u dhamayno. Markaa habeen dambe todobada…. ayaanu lix qof iskugu iman doonnaa oo aanu jecelnahay qodobada u baahan in laga wadahadlo la iskuna tanaasulo in aan soo dhamayn doonno ayaanu u ballanay.” Ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal, waxa kale oo uu sheegay in ay rajaynayaan in xukuumaddu tanaasuli doonto maadaama oo ay iyadu talada hayso madaxweynuhuna ballan qaaday in shirarkaasi markay dhamaadaan ay shacabku war farxad leh maqli doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here