Home Wararka Madaxweynaha Iyo Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Kulankii Labaad Maanta Isugu Yimi...

Madaxweynaha Iyo Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Kulankii Labaad Maanta Isugu Yimi Iyo Go’aan La Isla Qaatay

19
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Markii kulankaasi laga soo baxayna wax saxaafada la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here