Home Wararka Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland UCID, Wadani iyo Kulmiye oo xalay...

Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland UCID, Wadani iyo Kulmiye oo xalay kulan balaadhan la yeeshay Wefti ka socday Congress-ka dalka Maraykanka oo maalmihii u dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Somaliland.

12
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland UCID, Wadani iyo Kulmiye oo xalay kulan balaadhan la yeeshay Wefti ka socday Congress-ka dalka Maraykanka oo maalmihii u dambeeyay socdaal shaqo ku joogay Somaliland

Saddexda Xisbi Qaran Ee Somalilamd iyo Waftigii Maraykanka oo xalay kulmay.

Waxaa habeennimadii xalay Magaalada Hargaysa, kulan ku yeeshay Hogaanka iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta saddexda Xisbi qaran ee Somaliland iyo wefti ballaadhan oo ka socday Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Masuuliyiinta Xisbiyada ayaa waxaa hogaaminayay, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere.

Kulanka waxaa guddoomiyaha xisbiga ucid ku wehelinayay Xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, ku xigeenka Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Xildhibaan Maxamed khadar Daahir, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Xisbiga Ucid Marwo Hibaaq Cali Maydhalaalis Iyo Xogayaha Gaarka ah ee guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Maxamed Cabdi Galool.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada ee Gobolka, horumarinta Dimuquraaddiyadda, iyo arrimaha siyaasadda, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay arrimaha ka taagan Doorashooyinka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here