Home Wararka Hogaanka xisbiga Ucid oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ka soo...

Hogaanka xisbiga Ucid oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay Xooghayaha golaha dhexe

23
0

Hogaanka xisbiga Ucid oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay Xooghayaha golaha dhexe

Screenshot_2016-04-14-00-00-09-1

Hargaysa (UCID-Media Group) Xisbiga Ucid ayaa carabka ku adkeeyay in gudida anshaxa ee xisbiga Ucid ay yihiin qaar hore u jiray ee aanay ahayn kuwo la sameeyay markii khilaafku bilaabmay. kuwaas oo uu maanta Sabca ku sheegay in ay yihiin qaar aanay waxba ka jirin. waxaana sidaas yidhi Xooghayaha arimaha bulshada xisbiga Ucid Cabdiraxmaan axmed aw cali. sidoo kale waxa uu sheegay in gudinimadoodu ay sharci tahay gudomiyaha xisbuguna uu magaacabay, isaga oo xubnihii sharci darada ku tilmaamay gudida anshaxa ku sheegay in ay ahaayeen qaar u sacabo tumayay markii ay shaqaynayeen, balse markii ay toodii soo gaadhay ay sharci daro ku tilmaamay gudida anshaxa, isaga oo ku tilmaamay waxa laga xishoodo oo aan ahayn wax umada lala soo horfadhiisto. sidoo kale xooghayaha ayaa ku tilmaamay cali guray mid iska hor iyo daba imanaya oo aan ahayn nin ogol xil ka qaadis. isaga oo goob joog u ahaa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga oo xilka laga qaaday.sidoo kale waxa uu sheegay qofka xaq u leh in uu komishanka u geeyo qofka noqonaya musharaxa madaxwayne.Screenshot_2016-04-14-00-00-09-1

sidoo kale waxa uu ayaan daro ku tilmaamay aflagaadada ay warbaahinta u soo marinayaan xisbiga ucid cali guray iyo jamaal cali xuseen.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka sedexaad ee xisbiga Ucid mudane Jiir cali madoobe ayaa isna sheegay in xooghayaha golaha dhexe ee xisbiga Ucid uu kaliya xaq u leeyahay soo jeedin xiliga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbiga balse aanu xaq u lahayn in uu ka hadlo arimaha kale ee xisbiga, islamarkaana gudoomiyaha xisbiga Ucid uu magacaabay isaga iyo gudoomiye anshaxa. waxa kale oo uu sheegay in uu xoogahaye sabca uu daadafaynayo xil ka qaadista lagu sameeyay laba nin oo kala ah cali guray iyo xuseen badmaax. waxa kale oo uu kula dardaarmay cali guray iyo jamaal cali xuseen in ay xeerka xisbiga iyo sharciyada ay ku soo noqdaan oo aanay aflagaado la soo taagnaan, sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay waxa loo yaqaan New Ucid oo aan ahayn magaca xisbiga, balse magaca xisbigu yahay Ucid.

Ugu danbayna Afhayeenka xisbiga Ucid mudane maxamed xasan shabaash  ayaa isaguna sheegay cida xeerka xisbiga ka leexata, xeer 14 ayaa banaynaya in dibada laga dhigo xisbiga. waxaana uu sheegay in marka hore uu digniin leeyahay, marka danbena gabi ahaan laga saarayo xisbiga. sidoo kale waxa uu sheegay cidii kale ee danbi ka gasha xisbiga in dibada laga dhigayo.

Ugu danbayna waxa uu soo jeediyay in shuruucda xisbiga lagu dhaqmo oo awoodaha xisbigana la aqbalo.

isku duuboo xisbiga Ucid ayaa la rajaynayaa in uu kabaxo xaaladan qalafsan kadib marka uu dhaco shirka golaha dhexe ee xisbiga.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here