Home Wararka Heshiis Rasmi Ah Oo Laga Gaadhey Murankii Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada...

Heshiis Rasmi Ah Oo Laga Gaadhey Murankii Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Somaliland

13
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Shir ballaadhan oo ay maanta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali-waraabe iyo saraakiil sarsare oo katirsan saddexda xisbi qaran, ayaa lagu soo afmeeray guud ahaanba caqabadihii iyo murankii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana laga soo saaray qodobbo heshiis ah oo lagaga gudbayo caqabadahaas.

Shirkan ay madaxda qaranka ugu sarraysaa ku kala saxeexdeen heshiiska oo uu guddoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la iskula gartay in soo jeedintii mucaaridka ee kordhinta xubnaha komishanka loo maro dalab ka yimaadda ugu yaraan 11-xildhibaan oo golaha wakiillada ahi, kuwaas oo haddii gole weynuhu ogolaado laba xubnood lagu soo dari doono tirada haatan ee Toddobada ah.

Heshiiska saddexda xisbi qaran ka gaadheen qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deeganka, ayaa waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyayaasha xsibiyada WADDANI iyo UCID, wakiilka midowga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga iyo xubno kamid ah saraakiisha ugu sarraysa saddexda xisbi qaran, waxana ay saddexda guddoomiye xisbi muujiyeen sida ay xilka iskaga saarayaan inay doorashadu ku qabsoonto waqtigii loogu talo galay.

Qodobbada Heshiiska ayaa waxa ay u dhignaayeen sidatan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here