Home Wararka {Halkan Ka Daawo}Taageerayaal iskugu jira Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween oo Maanta Kusoo...

{Halkan Ka Daawo}Taageerayaal iskugu jira Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween oo Maanta Kusoo Biiray Sawiro+Video

16
0

{Halkan Ka Daawo}Taageerayaal iskugu jira Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween oo Maanta Kusoo Biiray Sawiro+Video
DSC_0391
Hareysa(UCID-Media Group)-Xaflad balaadhan oo lagu soo dhoweyey dhalinyaro, Haween iyo Siyaasiyiin miisaanku leh dalka ayaa maanta ku soobiiray xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Smaliland Ee Ucid,waxaana Xaflada Soo dhawaynta loogu Qabtay Magaalada Hargaysa.

Taageerayaashan cusub  ayaa sheegay inay xisbiga Ucid u arkeen Xisbiga Keliya ee uu ku jiro Mustaqbalka Somaliland, isla markaana  waxa ay sheegen inay ku doorteen inuu Musharrax ka yahay aqoonyahan dalku uu baahan yahay.

Sidoo kale, taageerayaasha waxa ay farriimo u direen shacabka Somaliland oo ay ugu baaqeen inay taageero hiil iyo hooba la gara

istaagan Musharrax Jamaal oo ay ku tilmaameen inuu yahay shaqsi qaaliya oo isku wadi kara darafyadda Somaliland, ugu horreeyn, waxa halkaas ka hadlay Xaalimo Cismaan Raage oo sheegtay inay siyad-sami kusoo dhoweynayaan taageerayaasha cusub, waxanay sheegtay inuu Xisbiga Ucid yahay mid ka keliya ee guushiisu ku jirto.

Waxa kaloo, Iyana munaasibadaas ka hadashay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasin oo sheegtay inay Xukuumaddu ku guuldareystay wax qabad ay bulshada u fidiso, taas bedelkeedana ay ka dhigtay inay boobtay xoolihii ummadda. Sidoo kale, waxa isna hadal dheer halkaa ka jeediyey Proff Axmed (Axmed ashari) oo kamid ahaa taageerayaasha cusub, ayaa sheegay in aanay jirin cid kaga haboon Musharrax Jamaal in  la doorto, waxanu xusey in Jamaal oo la doorta ay ka dhian tahay aqoonsiiieesta kale,  waxa isna halkaa ka hadlay Xildhibaan maxamed faarax Qabile oo halka kasoo jeediyey Maanso qiimo badan, sidoo kalena waxa uu xildhibaanku sheeay inuu kamid ahaa aas-aasayaashii Xisbiga Ucid, isagoo , hoosta ka xariiqay inuu Musharrax Jamaal ahaa shaqsigii soo saaray xisbiga.

Gabo-gabadii Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md Jamaal Cali Huseen ayaa niyad sami ku qaabiley taageerayaasha cusub ee kusoo biiray, isagoo dadka kale ee reer Somaliland ugu baaqay inay kusoo biiraan Xisbiga Ucid, sidoo kale, Musharrax Jamaal waxa uu dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay isdiiwaan-geliyaan isagoo khasatan taageerayaashiisa ugu baaqay inay ka qayb qaatan.

IMG_6354IMG_6332(1)IMG_6348(1)IMG_6314(1)IMG_6350IMG_6337IMG_6325(1)IMG_6328IMG_6328IMG_6332IMG_6322IMG_6317

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here