Home Wararka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo U Hoyday Laascaanood:

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo U Hoyday Laascaanood:

19
0

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo U Hoyday Laascaanood:-
IMG_5185
Laasaanood (UCID-Media Group):-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo maalmihii u danbeeyay safarro kala duwan ku gaala bixinayay Goboladda Bariga Somaliland ayaa caawa u hoyday Magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood .

Waxaana uu Guddoomiyuhu noqday Masuulkii ugu horeeyay ee xil intaa leeg hayya ee u badheedha u hoyashada Gobolka Sool oo madaxda Somaliland ka maagaan in ay u hoydaan iyagoo sabab uga dhigaya amniga Gobolka oo ah mid aan la isku halleen Karin .

Madaxweynaha Somaliland  Mudane Axmed Siilaanyo ayaa Marka uu tago Gobolka Sool waxaa uu  si qarsoodi ah khudbad uga jeediyaa goob amnigeeda si adag loo sugay , halka Madaxda Xisbiyada iyo Wasiiradu aanay u hoyan Laascaanood oo ay ka soo laabtaan isla marka ay safarrada ku tagaan .

Sidoo Kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waa masuulka  kaliya ee ilaa intii uu ololihii Madaxtooyada ku jiray ee sannadii  2010 Noqday Murashaxii Madxweyne ee kaliya ee Tagay Gobolka Sool , waxaa uu sidoo kale Safaroo kala duwan ku iman jiray Magaalada Laascaanood .

Waxaa Xusid mudan in muddo hadda  ku siman Hal sanno uu laba jeer ku labo noqday Laascaanood iyadoo uu Bishii Shanaad ee Sannadkii Tagay ee 2014 uu Gudoomiye Faysal uu Deeq isugu jirtaa Daawooyin iyo Geel uu  soo gaadhsiiyay Ciidamada Jiidda Hore iyo kuwa Police-ka .

Socdaalkan uu haatan ku joogo Gobolka Sool Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa qeyb ka ah Socdaal loogu magac daray Socdalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland kaas oo ku marayo Deegannada Bariga Somaliland .

Gudomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ah Masuul aan godob ku dhex lahayn Bulshada Reer Somaliland maadaama magaalooyin ay madaxdu ka maagto uu isagu si maamuus leh u joogo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here