Home Wararka Halkan Ka Daawo Dalalka Qaadhaan Bixiyayaasha Ah Ee Somaliland Ka Taageera...

Halkan Ka Daawo Dalalka Qaadhaan Bixiyayaasha Ah Ee Somaliland Ka Taageera Arrimaha Doorashooyinka Oo Mar Kale Soo Bandhigay Mawqifkooda Ku Aadan Dib U Dhaca Ku Yimi Doorashooyinka Somaliland Iyo Guddoomiyaha Hadalka Cad Ee Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Meel Adag Iska Taagay.

17
0

Halkan Ka Daawo  Dalalka Qaadhaan Bixiyayaasha Ah Ee Somaliland Ka Taageera Arrimaha Doorashooyinka Oo Mar Kale Soo Bandhigay Mawqifkooda Ku Aadan Dib U Dhaca Ku Yimi Doorashooyinka Somaliland Iyo Guddoomiyaha Hadalka Cad Ee Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Meel Adag Iska Taagay. Screenshot_20170128-133630

Hargeysa(UCID-Media Group)Dalalka qaadhaan bixiyayaasha ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ayaa ugu baaqay madaxwaynaha Somaliland, hogaamiyayaasha saddexda xisbi qaran iyo waliba guddiga komishanka doorashooyinka qaranka inay ka noqdaan go’aankii dib loogu dhigay doorashada madaxtooyada Somaliland iyo dib u riixista lagu sameeyey doorashooyinka Wakiilada iyo golayaasha deegaanka.

War Murtiyeed ay soo saareen dalalka qaadhaan bixiyayaasha ee Somaliland ka teegeera arrimaha doorashooyinka waxa kaloo ay ka digeen dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland iyaga oo sheegay in Somaliland ay usoo jiidi karaan sumcad xumo.

War-murtiyeedkan ay soo saareen dalalkan qaadhaan bixiyayaasha ah ayaa waxa uu u dhignaa sida tan

“Sidii ay saaxibadda beesha caalamku toddobaadkan ku caddeeyeen magaalada Hargeysa,abaaraha ka jira dalka somaliland ma noqon karaan kuwo loo isticmaalo cudur daar,waxaanay taasi bar madow ku noqon doontaa hadii ay dhacdo nidaamkii dimuqraadiyada ee Somaliland ku naaloon jirtay,waxaana ay beesha caalamku si wayn uga niyad jabeen go’aankii kasoo baxay madaxwaynaha Somaliland,axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka Somaliland ee ay dib ugu dhigeen doorashadii madaxtooyada ee 28 bisha March 2017-ka u qorshaysnayd,lagana dhigay bisha October ee sanadkan aynu ku jirno isla markaana muddo kordhinta kale ee la sameeyey dib loogu dhigay doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka Somaliland oo lays raaciyey lana wada qaban doono 2018,iyada oo ay halkaasina ka muuqato in golayaasha deegaanka muddo sanad ka badan muddo kordhin loo sameeyey,iyada oo taasina culays kusii kordhin doonta dareenkii ay qabeen muwaadiniinta Somaliland ee aqalkooda hoose ee golaha wakiiladu ay mudada 12 sano ah iyaga oo aan la dooran iska sii fadhiyeen.”

Warbixintan ay soo saareen qaadhaan bixiyayaasha Reer Yurub waxa sidoo kale lagu yidhi

“Waxa sidoo kale muddo kordhinta doorashada madaxtooyada iyo wakiilada loo sameeyey ay dafiraad cad iyo meel ka dhac ku tahay go’aankii iyo xukunkii kasoo baxay maxkamadda sare ee Somaliland kuna taariikhaysnayd 18 bishii August ee sanadkii 2015,iyada oo dib u dhigitaanka doorashada golayaasha deegaanku iyada oo aan wax sabab aasaasi ah loo haynin run ahaantii ay dhaawaci doonto bulshada reer Somaliland iyo beesha caalamka kalsoonidi ay ka qabeen habka nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland. Dib u dhacyadan ugu danbeeyey ee isdaba jooga ah ee doorashooyinku waxa uu dhalin doonaa in su’aal la iska waydiiyo in la isku halayn karo nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland,waxaana la wada xasuusan yahay inay qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland oo ku astaysnayd 2015-kii maanta laga joogo 2 sanno ku dhawaad.

“ Iyada oo ka go’naanshihii beesha caalamka ay ahayd inay Somaliland ka taageeraan dhinacyada fiican ee horumarinta arrimaha hoose laga soo bilaabay ee bulshada Somaliland ay iyagu sidooda u taagnaan doonaan, iyada oo lasii adkeeyey go’aankan dhawaan lagu dhawaaqay ee dib u dhiga doorashooyinku waxay saaxiibada bulshada caalamka ku qasbi doonaan in aanu dib uga fiirsano una eegno sida Somaliland u fulisay balanqaadyadii beesha caalamka iyo habkii aanu ula shaqayn jirnay dawlada Somaliland.iminka lacagtii cashuurahayaga ee ee aanu Somaliland ku maalgaliney doorashadeeda waxa hadda noo muuqata in ay halis ugu jirto inay noqoto mid luntay,waxaanu sheegaynaa in aanay beesha caalamku mar danbe lacag ku baxda baahida ka timaada muddo kordhin doorasho Somaliland ah aanay dabooli doonin.”

Sidoo kale dalalkan qaadhaan bixiyayaashu waxay war-murtiyeedkoodan ku sheegeen in ay Somaliland halis ugu jirto inay waydo kalsoonidii iyo dareenka indhaha beesha caalamka waxaana ay ku yidhaahdeen

“Somaliland waxay halis ugu jirtaa inay waydo dareenka indhaha caalamka ee ay kusoo naalootay ilaa iminka iyo sida ay uga go’nayd, saaxibadeeda caalamkuna u arkayeen Somaliland inay hantideedu tahay dimuqraadiyadd,bulshada caalamku waxay ku adkaynaysaa dawlada Somaliland,Axsaabta qaranka iyo guddiga komishanka doorashooyinkaba inay dib uga fiirsadaan go’aankoodii ay dhawaan gaadheen ee ay dib ugu dhigeen doorashada madaxtooyada,waxaana ku baraarujinaynaa inay diyaariyaan doorashada madaxtooyadu inay ku qabsoonto wakhtigii loo mudeeyey ee ahayd 28 bisha March 2017-ka,sidoo kale doorashooyinka wakiilada Somaliland iyo golayaasha deegaankana lagu qabto isla sanadkan sidii hore balanteedu ahayd,waxaana aan ku baaqaynaa inay tixgaliyaan go’aankii maxkamadda sare iyo golaha aqalka sare ee guurtida”sidaas ayuu u dhignaa qoraalka war-murtiyeedka ah ee ay soo saareen qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Gabagabadiina dalalkan war-murtiyeedka soo saaray kana mid ah wadamada reer Yurub ayaa waxa kala yihiin Denmark,EU Delegation,Filand,France,
Germany,Ireland,Natherland,

Norway,Sweden,United Kingdom.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Mowqika Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here