Home Wararka Gudoomiyhaha Ururka Haldoor Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga...

Gudoomiyhaha Ururka Haldoor Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe + Sawiro

15
0

Gudoomiyaha Ururka Haldoor Asad Yuusuf Ismaaciil Ayaa manta hadhimo sharafeed ku maamuusay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Qado sharaftan ayaa waxay ka dhacday Riyaad Hotel Ee Magaalada Hargaysa, iyadoo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Ururka Haldoor oo kala ahaa Agaasimaha Guud Ee Haldoor Deeq Cismaan, Gudoomiyaha Khaliijka Ee Ururka Haldoor Sheekh Mustafe Iimaan, Xog-hayaha Gaarka ah Ee Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Maxamed Cabdi C/laahi .

Waxaa Halkaa kalmado kooban ka yidhi Gudoomiyaha Ururka Haldoor Asad Yuusuf Ismaaciil, waxaana uu ugu horeen Gudoomiye Faysal ku bogaadiyay Murashaxnimada Mar kale loo doortay, isagoo sidoo kale uga mahadnaqay sida uu Ururka Haldoor ual garab taaganyahay Hiil iyo Hooba .

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Gudoomiyaha Ururka Haldoor uga mahad naqay Qado sharaftaas uu ku casuumay, isagoo u ballan qaaday in uu ku soo xidhi doono Hay’ado iyo Wadamo caalamka .

Ugu danbeen hadhimo sharafeedkan ayaa ku soo gobogabowday jawwi degen oo farxadi ku dheehantahay .

 

img_1933 img_1946 img_1950 img_1954 img_1955 img_1956 img_1957 img_1959

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here