Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Shaacinayay Murashaxnimada Marwo...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Shaacinayay Murashaxnimada Marwo Waris Dhoobaale Oo U Taagan Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland + Sawiro

14
0

 

Hargeysa (UCID-Media Group) Waxaa Maanta magalada Hargaysa ka dhacday Munaasibad lagu shaacinayo Murashaxnimada Marwo Waris Dhoobaale oo ka sharraxan Gobolka Maroodijeex .

Munaasibaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socday Xisbiga Ucid oo hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Cabdi Dool Kaariye, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Ibraahim Salaf, Xoghayaha Golaha Fulinta Axmed Quick, Haween, Odayaal , Dhalinyaro iyo Taageerayaasha Murashax Waris Dhoobaale .

Waxaana halkaasi hadallo ka jeediyay xubno ku hadlayay Garabbada Haweenka iyo Dhalinyarada, waxaanay Dhmaantood tilmaameen kaalintii ay Murashax Waris kaga jirtay Horumarinta Bulshada, iyagoo sheegay in marka ay guuleesato Murashax Waris ay ka filayaan wax qabad ka mug wayn kii hore looga bartay .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Ucid Cabdi Dool Waxaanu sheegay In ay Bogaadinayaan Murashax Waris .

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Ee Xisbiga Ucid C/qani Ibraahim Salaf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga Ucid Sharaf u tahay in Haweenaydii ugu horeesay ee ku dhiiratay Doorashada Golaha Wakiilada ay iska soo sharaxdo, isagoo u rajeeyay Guul .

Murashax Marwo Waris Dhoobaale oo halkaasi ka hadashay ayaa ku dheeraatay sida Doorka Haweenku uga maqanyahay Dalka, iyadoo sheegtay in ay u badheedhay tartanka Golaha Wakiilada isla markaana ay filayso Guul maadaama Bay tidhi ay garbahayga taaganyihiin Haween waynaha Reer Somaliland, waxaanay ugu baaqday Haweenka Reer Somaliland in ay is muujiyaan oo ay u codeeyaan .

“ Waxaan u Baahanay Codkiina, Caqligiina, waxaanan ku rajo waynahay in ay guuleesan doono ..” ayay Tidhi  Murashax Waris Dhoobaale .

Ugu danbeentii waxaa soo gunaanaday Munaasibaddaasi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, isago ugu horeentiiba bogaadiyay Murashax Waris isla markaana sheegay in uu Codkiisa Siin doono Murashax Waris Dhoobaale  .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xisbiga Ucid yahay Xisbigi ugu horeeyay ee xaqooda siiyaa Haweenka, isagoo allena uga baryay Murashaxadda in ay ku guuleesato .

Gudoomiyaha ayaa haweenka uga digay Qabyaaladda, waxaanu ku booriyay in horumarka Dalka ka qeyb qaataan oo ay garab istagaan Murashax Waris Dhoobaale .

Si kastaba ha ahaate Munaasibaddan ayaa ku soo dhamaatay jawi Degen oo farxadi ku dheehantahy .

 

IMG_1922 IMG_1925 IMG_1928 IMG_1930 IMG_1932 IMG_1935 IMG_1937 IMG_1938 IMG_1942 IMG_1945 IMG_1947 IMG_1949 IMG_1950 IMG_1951 IMG_1955 IMG_1957 IMG_1961 IMG_1966 IMG_1967 IMG_1969 IMG_1970 IMG_1980 IMG_1988 IMG_1991 IMG_1998 IMG_1999 IMG_2003 IMG_2009 IMG_2036 IMG_2053

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here