Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Furayay Xarun...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Qeyb Galay Xaflad Lagu Furayay Xarun Lagu Xanaanayn Doono Caruurta Naafada Ah Ama Qaba Xanuunka Dhimirka + Sawiro

24
0

Hay’adda Islaamiga ah ee  Al Nour Charity Foundation oo inta badan ka shaqaysa arimaha sama-falka ayaa maanta xarun cusub ka furatay koonfurta Galbeed Ee Magaalada hargaysa,waxaana xaruntani lagu xanaanayn doonaa caruurta curyaamiinta ah ama qaba xanuunka Dhimirka.

Munaasibadan Balaadhan Ee Lagu Daah-furayay Xaruntan Cusub Ee Ay Haay’adda Al Nour charity ka furatay magaalada hargaysa ayaa waxa ka soo galay,Guddoomiyaha Xisbiga Ucid,wasiir ku xigeenka gashaan-dhiga,maayar ku xigeenka hargaysa,xildhibaano qurba joog iyo dadwayne kale.

Xarunta ayaa waxa loo qalabeeyay hab casri ah,waxaana goobtaasi la keenay agabka ay caruurtu ku ciyaarto iyada oo shaqaale loogu tallo galay in ay u adeegaan caruurtan yaryar ee xanuun sanaya iyaguna goobta ay ku sugan yihiin.

Xarunta loogu tallo galay in loogu adeego dadka qaba xanuunka dhimirka ama aanay maskaxdoodu dhamaystirnayn ayaa waxa dhisay oo gacantana ku haya guddoomiyaha haay’adda Marwo Ifraax Xaaji Maxamed Maxamuud iyo saygeeda Cabdirisaaq Saleebaan yuusuf.

Cabdirisaaq oo haysta Xafiiska Guud Ee Haay’adda Islaamiga Ah Al Nour Charity Foundation ayaa sheegay in hawshan ay hayaan tahay mid adag isla markaasna ay galiyeen wakhti badan oo ay ugu sama falaan dadkooda tabaalaysan una caawiyaan dadka haysta caruurta dhimirka ka xanuun sanaya,isaga oo tilmaamay in ay goobtan ku qalabeyeen adeegyo kasta oo ay u baahan yihiin.

“goobtan cusub ee aanu ugu magac darnayd cabdiraxmaan Center waa mid u adeegi doonta caruurta yaryar ee dhimirka ka xanuun sanaya,waxaanan ugu jirnaa dadaal dheer sidii aanu ugu haqab tiri lahayn waxa ay u baahan yihiin,waalidiin badan ii la cadilnaa ayaanu nasinay,xaafadkasta waanu ka soo qaadnaa halkan ayaanu keenaa annaga oo caafimaadkiisa la soconayna halka uu seexanayo u diyaarinayna iyo waliba waxa uu cunayo iyo agabka uu ku ciyaarayo.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo ka hadlay halka ay lacagta lagu qalabayno ay ka soo gasho“walaahi waxa naga caawiya qurba joogta oo ah dad jecel in ay wax sadaqadaystaan,anaguna habeen iyo maalin waanu ku ilaalinaan,xaruntan aanu dhisnay waad arkaysaan inta ay baaxad ahaan leedahay dadaalkaasi ay galisay xaaskaygu waan uga mahad naqayaa,waxaana nagu dhaliyay markaanu aragnay siday ciyaalkani u cadilan yihiin  ayaanu anagu isku hawlna.

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo isaguna madasha ka hadlay ayaa waxa uu ku taliyay in loo baahan yahay in sidii xarunta kor loogu qaadi laha,waxaana uu u mahad celiyay Cabdirisaaq iyo Marwo Ifraax oo iyagu markasta ku foogan sidii ay bulshadooda tabaalaysan wax ula qaban lahayeen.

“Kolay waxa kasta wax ayaynu ku darsanaa ee maanta waxa loo baahan yahay anigana ha ahaatee in aynu garab istaagno dadkeena jilicsan ee u baahan gargaarka,waxa laydiinka baahan yahay inaad isku hawshaan dadkeena muxsiniinta ah sidii loo taageeri lahaa waxna loola qaban,ummadan ilaahay muugaran waayin inuu caqligooga u dhamaystiro balse inaga ayaa Laynagu eegayaa,markaas qofkasta waxa looga baahan yahay inuu xarunta iyo dadka ku jira wax la qabto.

Salaadiin aqoon yahan iyo Guddoomiyaha Xaafada Sancaani ee laga bineeyay xarunta cusub oo iyaguna dhamaantood madasha ka hadlay ayaa si qoto dheer u faaqiday waxqabadka muuqda ee ay haay’addani ka hirgalisay xaafadan iyo muhiimada ay ufu fadhido in ay dadka xanuun sanaya ay ka hayso.

Maayar ku xigeenka Caasimada hargaysa iyo xubno ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa dhul ugu yaboohay Al Nuur waxaana ay tilmaameen in ay aad u soo dhawaynayaa mashruucyada sama-falka ah ee ka hir galinayso dalka.

Gaba-gabadii waxa Xafladan Soo Afmeeray Wasiir ku xigeenka wasaarada gashaan-dhiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaana uu tilmaamay in ka Xukuumad ahaan garab taagan yihiin Adeegyadan sama-falka ah ee ay Haay’addan Al Nour Kawada Dalka,waxaana uu cadeeyay in haay’addani ay dhistay masaajido badan oo malcaamadu lagu barto quraanka.

“Haay’addani horumarka ay dalka kawadaa kuma Goobna oo kaliya in ay dadka dhimirka ka Xanuun sanaya ee maskaxdoodu aanay dhamaystirnayn ay u adeegto oo kaliya waxa ay qabataa mashruucyo dalka iyo dadkuba ka faa’idaan waxa ay dhistaa Masaajidada,malcaamadaha digriga ilaahay lagu akhriyo aad ayaan u soo dhawaynayaa mashruuca caruurtan yaryar ee xanuun sanayana lagu daryeelayo.

 

 

13553255_1084455571634850_1948854586_n 14010081_1084455374968203_1399097915_n 14011730_1084455568301517_1301347948_n 14011782_1084455414968199_108079006_n 14011884_1084455418301532_1527626968_n 14011987_1084455404968200_1517840606_n 14012121_1084455408301533_1137439099_n 14012194_1084456188301455_259326890_n 14017974_1084455128301561_900559789_n 14030681_1084455391634868_583963401_n 14054601_1084455381634869_1317734313_n 14054736_1084455421634865_131143617_n 14055587_1084455574968183_588148393_n 14055618_1084456168301457_938248151_n 14055655_1084456184968122_2019580154_n afdaf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here