Home Wararka Daawo Muuqaal : Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Noqday...

Daawo Muuqaal : Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Masuulkii Ugu Horeeyay Ee Deeq Lacageed Kaga Qeyb Qaata Wajiga Labaad Ee Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Ururka Haldoor Ka Hirgalinayo Hargaysa + Sawiro

15
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta soo kormeeray Dhismaha Dugsiga Farsamda Gacanta Ee Maxamed Mooge, Kaas oo ay hirgalinayaan Ururka Haldoor .

Waxaana Gudoomiyahu markii uu gaadhay xarunta Dhismaha Dugsigaasi, ayaa waxaa halkaasi warbixino ku saabsan xaaladda Dhismaha Dugsiga Siiyay Masuuliyiinta Ururka Haldoor .

Intaasi ka dib waxaa halkaasi kalmado kooban ka yidhi Agaasimaha Guud Ee Ururka Haldoor Deeq Cismaan Daahir, Eng Sayid Cali, Marwo Nadiira Daahir Bootaa, Iyo Masuul ka tirsan Ururka Haldoor laantiisa Germany, Waxaanay Dhamaantood iska daba mareen xaalaadda Dhismaha Dugsiga, iyagoo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay Farsamda Gacantu .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Halkaasi ka hadlay ayaa Ururka Haldoor ku bogaadiyay sida uu uga qeyb qaadanayo Horumarka Dalka, isagoo ku dardaaray in ay dadaalkooda halkaa ka sii wadan .

Waxaanu Gudoomiyuhu Halkaasi kaga dhawaaqay Lacag Dhan 3000 Dollar, oo uu sheegay in uu kaga qeyb qaadanayo Dhismaha Dugsigan .

 

 

IMG_6460

IMG_6464

IMG_6474

IMG_6475

IMG_6481

IMG_6488

IMG_6497

IMG_6500

IMG_6506

IMG_6511

IMG_6513

IMG_6516

IMG_6522

IMG_6536

IMG_6550

IMG_6554

IMG_6561

IMG_6564

IMG_6574

IMG_6580

IMG_6581

IMG_6604

IMG_6615

IMG_6619

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here