Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Qeyb Galay Munaasabid Lagu So Dhaweenayay Murashax...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Qeyb Galay Munaasabid Lagu So Dhaweenayay Murashax Hodan Guray Naahi Sidoo Kalena Xadhiga Ka Jaray Xafiiska Garabka Haweenka Iyo Dhalinyarada Ee Gobolka Sanaag + Sawiro‏+Video

23
0

Ceerigaabo(UCID-Media Group)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasibad bilan oo lagu soo dhaweenayay Murashax Hodan Guray Naahi oo ah Murashaxad u tartamaysa Doorashooyinka Barlamaanka Somaliland iyo Taageerayaal baaxad leh oo la socday .

Waxaana munaasibaddani ka dhacaday Magaalada Ceerigaabo iyadoo ay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha Hodan Naahi oo isugu jiraa aqoonyahan , Madax Dhaqameed , Odayaal Iyo Haween .

Waxaana Halkaasi ugu horeen Hadallo ka jeediyay Odayaasha iyo Aqoonyahanka Taageerada u ahaa Marwo Hodan Axmed Cali waxaanay sheegeen in Hodan ay tahay gabadh kaalin muuqataa ka qaadatay horumarka Gobolka Sanaag sidoo kalena ay tahay gabadh taageero mug leh ka haysata bulshada Ceerigaabo .

Marwo Hodan Axmed Cali oo iyana Hadashay ayaa u mahad naqday Waftiga uu Gudomiye Faysal Cali Waraabe hor kacayo waxaanay sheegtay in Xisbiga Ucid uu noqon Doono Xisbiga ugu awoodda Badan uguna taageerada badan Gobolka Sanaag .

Sidoo kale waxay halkaasi ka ballan qaaday in ay ku dadaali doonto kobcinta taageerada Xisbiga iyadoo sheegtay in ay wax qabad badan ka geysatay Gobolka Isla markaana Xisbigan Ucid uu noqon Doono mid si wayn looga taageero Gobolka Sanaag .

Ugu danbeentii waxay sheegtay in mabada’eedu aanu is baddalin oo uu hal meel uun yahay oo aanay ahayn dadkan guur guuraa , kalsooni bandanna ay ku qabto in ay guuleesan doonto Doorashada Barlamaanka .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa gabogabadii xafladdaasi soo gunaanaday waxaanu u mahad Naqay Marwo Hodan iyo taageerayaasheeda isagoo sheegay in ay gacmo furan ku soo dhaweenayaan .

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbigu wuxu sheegay in laga taageero Barnaamijka uu u socday oo ah Mid ku saabsan Nabadda iyo Mideenta Somaliland isagoo ku dardaaray in Codka Gobolka Sanaag uu noqdo mid qudha oo aydaan noqon kuwo kala socda hadii kale bu yidhi uu shaydaanku idinka faa’idaysan doono oo ayduun noqon doontaan kuwo ka caagan horumarka iyo hore u socodka .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Gobolkan yahay gobol la dayacay balse loo baahanyahay bu yidhi in ayduun gacmaha is qabsataan oo ayduun la tartantaan Gobolada Kale ee Dalka Somaliland .

Geesta kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Xadhiga ka jaray Xafiiska Garabka Haweenka Iyo Dhalinyarada Ceerigaabo .

Halkan Ka Dhegeyso

2016-01-05 21.23.32

2016-01-05 21.24.13

IMG_6032IMG_6033IMG_6040IMG_6046IMG_6047IMG_6058IMG_6065IMG_6068IMG_6072IMG_6100IMG_6137IMG_6143IMG_61542016-01-05 21.22.53

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here