Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Ka Qeyb Galay...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Ka Qeyb Galay Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse .

21
0

Aas Qaran Faysal ka Qeyb Galay

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka qeyb galay aas qaran oo magaalada Hargaysa loogu sameeyay Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Xabaasha Dusheeda Warbaahinta kula hadlay ayaa Tacsi u diray Eheladii uu ka baxay Marxuumka, isagoo allena uga baryay Marxuumka in uu alle Naxariistii janno ka waraabiyo .

“ Innaa Lillaahi Waa Innaa Ilayhi Raajicuun, Kullu Nafsin Daa’iqatul Mawt, Horta waa la wada Dhimanayaa, Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo, Gaar ahaan Ehelkiisii iyo asxaabtiisii ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo, Somaliland oo dhanna Samir ilaahay ha ka siiyo, Isna (Marxuumka) Maalin wanaagsan oo ramadaan ah ayuu dhintee ilaahay Jana Fardawsa ha geeyo ..,” Ayuu Yidhi Gudoomiyahu waxaana isagoo oo si watta hadalkiisa uu ereyo ku cabbiray wixii uu ka yaqaannay marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse

“ Nin gacan furan oo deeqsiya ayuu ahaa, nin xarrago badan ayuu ahaa, intaaso dhan nin ay isku raaceen ayuu ahaa , farxaan ayuu ahaa waligay ninkaaso cadhaysan ma arag, waxaan u hubaa in uu jannada galayo, waxaad ka arkaysaa inta ergo u socoto maanta, waxaanan dadkeena leeyahay wax ha lagu qaato, xabaalaha waxa aynu u imanaynaa waa in aynu wax ku qaadanno ..”

Aaska Marxuumka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland, Madaxda Axsaabta, Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo Dadwayne kale .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here