Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Hadhimo Sharafeed U...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Madax Dhaqameedka Ka Soo Jeeda Beelihii Dirirtu Ku Dhex Martay Deegaanka Ceel Af-Wayn Ee Gobolka Sanaag .

17
0

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Hudheelka Hadhwanaag Ee Magaalada Hargaysa hadhimo sharafeed ugu sameeyay Madax dhaqameed-ka iyo odayaasha  ka soo jeeda Beelaha Walaalaha ah Ee Sacad Yoonis Iyo Baho oo diriri ku dhex martay Deegaanka Ceel Af-wayn .

Ujeedada Qado-Sharaftan ayaa ahayd sidii Nabadda looga wada shaqayn lahaa, isla markaana Beelaha Walaalaha ahi ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad, Waxaanu ku dheeraaday Walaaltinimada Labadan Beelood ay  caanka ka yihiin, isagoo ku dardaaray in Nabad lagu soo dabaalo Deegaannada Beelahaasi ay wada dagaan  .

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu u ballan-qaaday in uu nabadda kala shaqayn Doono ilaa inta ay sal-dhigayso .

Xubno Madax Dhaqameed ah oo u hadlay labada dhinac ayaa Gudoomiyaha uga mahad-naqay Hadhimo-sharafeedka uu ku maamuusay, waxaanay ku amaaneen sida uu uga shaqaynayo Nabadeenta Gobolada Bari Ee Somaliland, iyagoo xusay Kaalintii uu ka soo qaatay Nabadaynta Somaliland Markii dagaalada Sokeeye ka dhaceen Dalka .

Waxaanay Gudoomiyaha ku amaaneen sida uu had iyo jeer Danta Guud isaga xil-saaro ee uu uga shaqeeyo .

Ugu Danbayn waxay halkaasi ka ballan-qaadeen in ay Gacmaha isku qabsan doonaan Sidii Nabad Waarta looga dhalin-laha Deegaanada Dirirtu ka dhacday .

 

madax2 madax3 madax4 madax5 madax6 madax7 madax8 madax9 madax10 madax11 madax12

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here