Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Dugsi Ku Yaalla...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Dugsi Ku Yaalla Xaafadda Daami Ugu Deeqay Kuraas iyo Miisas + Sawiro

17
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Deeq ka kooban kuraas iyo miisas gaadhsiiyay Dugsi waxbarasho oo ku yaalla Xaafadda Daami Ee Magaalada Hargaysa .

Waxaana Gudomiyuhu maanta booqday Dugsigaasi, isagoo ay wehelinayeen Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Yuusuf Googooye, Gudoomiyaha XIsbiga UCID Ee Gobolka Maroodijeex Cabdi Dool Kaariye, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Salaf, Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C/laahi iyo masuuliyiin kale .

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ku dheeraaday, sida Bulshada ku dhaqaan Xaafadda Daami ay uga faro madhan-yihiin adeegyadii aasaasiga ahaa, waxaanu cod dheer ku sheegay sida loogu baahanyahay bulsho siman oo hesha adeeg siman .

Gudoomiyaha ayaa xusay in ay tahay markii labaad ee ay Dugsigan soo gaadhsiiyaan agab waxbarasho, isla markaana ay maanta ku wareejiyeen agab ka kooban lixdan kursi iyo miisaskoodi .

Suldaan Abu Sufyaan oo ah masuulka gacanta ku hayaa Dugsigan ayaa amaan balaadhan u jeediyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, isagoo ku tilmaamay in uu yahay masuulka kaliya ee gacan ka gaysta, isla markaana caawiyaa dadka ku dhaqan Xaafadda Daami .

Sidoo kale wuxuu xusay in marar hore uu Gudoomiye Faysal Cali waraabe uu barbar istaagay isla markaana uu ku caawiyay SIdan oo kale Kuraas iyo miisas .

Suldaanka ayaa si wayn ugu mahadnaqay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, sheegayna in uu Gudoomiye Faysal Haysto Ducada Dadka Dan-yarta ah Ee Somalilland .

Hooyo ku hadlaysay afka waalidinta ayaa iyaduna si wayn uga mahad naqday deeqdaas uga timid Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

SI kastaba ha ahaate Gudoomiye Faysal ayaa ah masuul ku suntan wax u qabashada dadka dan-yarta ah isagoo aan cod kaga dooneen .

 

 

 

IMG_5998 IMG_6006 IMG_6008 IMG_6011 IMG_6017 IMG_6018 IMG_6028 IMG_6034 IMG_6046 IMG_6058 IMG_6060 IMG_6062 IMG_6073 IMG_6078 IMG_6098 IMG_6110 IMG_6111 IMG_6113 IMG_6120 IMG_6123 IMG_6124 IMG_6132 IMG_6138

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here