Home Wararka Guddoomiyaha Ucid Oo Ku Baaqay In La Soo Saaro Sharci Lagu Tirtirayo...

Guddoomiyaha Ucid Oo Ku Baaqay In La Soo Saaro Sharci Lagu Tirtirayo Guddiyada Qabaa’ilka Iyo Shirarka Beelaha

15
0

faysal cali waraabe

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ku baaqay in la soo saaro sharci lagu tirtirayo guddiyada qabaa’ilka iyo shirarka beelaha ee dib ugu celinaya dalka meel uu beri hore ka gudbay.

Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo khudbad ka jeediyey shir uu xisbigiisu ku qabsaday magaalada Hargeysa habeenimadii Salaasadii, waxa uu walaac xoog leh ka muujiyey xaaladdaha ka socda Somaliland waqtiga ee isugu jira qabyaaladda iyo kalsooni-darrada laga qabo dawladnimada oo uu ku tilmaamay inay wadaan dad siyaasiyiin ahi, waxaannu u soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo inuu soo saaro sharci wax lagaga qabto arrintan.

Eng. Faysal oo arrintaa ka hadlayey waxa uu yidhi, “Maanta Somaliland oo 25 sanno jirtay maalmahan dambe waxa socda waxaad moodaa in aynu dib u guranay, haddii la doonayo qaran in la dhiso waa inaad dhisto hay’adaha dawladnimo, kadibna la dhiso qaranka oo inta ummadda laga saaro qabaa’ilka iyo qoomiyadaha loo dhisaa ummad ahaan. Hadda waxa innagu bilaabmay oo fool-xun in beelihii samaysteen guddiyo sidii ay yihiin hay’ado ayaad maqlaysaa guddi heblaayo ee reer hebel iyo guddiga heblaayo ee reer hebel oo niman mutacalimiin siyaasiyiin ahi ay reerihii ka dhigayaan sidii xisbiyada, markaa waxaad moodaa in xisbiyadii hadda laga xoog batay oo uu qabiilkii xoog batay. Calaamadahaasi waa kuwa keena jaha-wareerka ee abuura waxa la yidhaah dawladaha fashilma ee burbura.”

“Waxaan ugu baaqayaa dawladda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha hadda xilka haya in sharci laga soo saaro oo la baabiiyo guddiyadaa qabaa’ilka ee maalin kasta shiraya ee leh reero ayaa shiraya, halkii uu xisbi ka shiri lahaa ama ay ka shiri lahaayeen macallimiinta, xirfadlayaasha, shaqaalaha ama dadka bidaarta leh. Dad intay dibadaha ku soo saaqideen oo ay waxba qabsan kariwaayeen ee casrul-jaahiliga innagu celinaya ee intay cuqaashii iyo salaadiintii ka kiciyeen kuraastii oo ay maalin kasta ku dhawaaqaya shir qabiil oo mijo-xaabinaya ummad iyo qaran dhiskii in la baabiiyo ayaanu jecelnahay, hadday tani (dawladda) baabiinwaydana annagaa baabiinayna Insha Allaahu.”

Guddoomiyaha UCID waxa uu xusay in caqabado badani horyaalaan Somaliland oo loo baahan yahay in lagaga baxo midnimo ee aan kala qaybsanaan iyo  beelo wax lagaga qaban karin, sidaasi darteedna waxa uu shacabka ugu baaqay midnimo. Sidoo kalena waxa uu hambalyeeyey beelaha Somaliland ee dhawaan shirarka ku qabsaday deegaannada Adhi-caddeeye iyo Awr-boogays ee go’aansaday inay nabad qaataan oo ay wax la qaybsadaan Somaliland.

“Waxaad moodaa in barigiina neecow wanaagsani ka imanayso, dadkii Somaliland bilaabayna ay ku noqdeen qabiil iyo reero, maanta khatarta Somaliland haysataa kama soo jeedo Awdal iyo gobollada bariga toona ee waxay ka soo jeedaa beesha dhexe oo khatar ku ah Somaliland oo u kala baxday reer reer, waxbana aan isku ogolayn oo aan wada yeelan karin, tuulo, magaalo, deked iyo ceel toona, iyaga ayaana kuraastii oo dhan fadhiya oo taladii waddanka haysta,” ayuu yidhi Faysal.

Waxa kaloo uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in laga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa kalsoonidii hay’adaha dawladda oo uu ku tilmaamay inay luntay, waxaannu yidhi, “Madaxweynaha waxaannu leenahay waa in lala dagaallamo qabiilka iyo shirarka beelaha iyo waxa keenaya kala shakiga iyo is-aamin la’aanta. Hadday dawladdu waydo kalsoonida ummadda oo heshiiska ay saxeexdo la aaminiwaayo oo ceelka ay qodo iyo macdanta la qadayo la aaminiwaayo macnuhu waxa weeye taqad ma haysato ee waa in la soo celiyo kalsoonidii dawladaha lagu qabi jiray, waayo kalsooni-darro wayn ayaa ka muuqata maanta dawladdeena, ma garanayno in gacmo shisheeye inagu jiraan oo la ina soo dhexgalay in ay tahay dawladda oo tamar daran ma kala garanayno, laakiin waxa maanta socdaa wax lagu farxo maaha.”

Eng. Faysal waxa uu tibaaxay in siyaasiyiin iyo xildhibaanno ummaddu dooratay ay bilaabeen kicinta shacabka iyo qabyaalad ay ugu baaqayaan, isagoo bulshadana u soo jeediyey inay ka soo horjeestaan baaqyadooda, “Waxaan dareemayaa cudurkii iyo fool-xumadii taagnayd 1992 iyo 1994-kii inay soo noqotay, waa in aynu ka hortagno walaalayaal. Nin kursi waayey oo shalay markii uu ku jiray dawladda ammaanayey maantana leh qori ha la qaato oo qabyaalad ku baaqaya waa in la iska diido walaalayaal,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Faysal Cali-waraabe.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here