Home Video Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta booqday suuqii dabku...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta booqday suuqii dabku ka kacay ee Waaheen.

19
0
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,

Muuqaal:-

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta booqday suuqii dabku ka kacay ee Waaheen.

Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Maayir ku xigeenka caasimadda Khadar Nuur, xubno kamid ah golaha deegaanka caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dhibka dhacay lagaga bixi-karo midnimo.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay, Maayir ku xigeenka Caasimadda Khadar Nuur, waxaanu warbixin ka bixiyay halka ay hawluhu u marayaan, isagoo Gudoomiyahana uga mahad-naqay booqashadiisa.

Intaasi kadib, Gudoomiye Faysal wuxuu socod lug ah ku maray qeybaha kala duwan ee Suuqa Waaheen, kaas oo muuqiisu yahay mid ku qiiro-galinayaa musiibada halkaas ku dhacday awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here