Home Wararka Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saed Omar (Siciid-ucid)...

Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saed Omar (Siciid-ucid) oo ay weheliyaan xubno kamid ah hogaanka sare ee Xisbiga ayaa maanta ka qayb-galay munaasibadda furitaanka is-diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee gobolka Togdheer iyo degmooyinka Ceel Af-weyn, Gar-adag iyo Caynaba oo lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

16
0

Burco (Ucid-Media Group) Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saed Omar (Siciid-ucid) oo ay weheliyaan xubno kamid ah hogaanka sare ee Xisbiga ayaa maanta ka qayb-galay munaasibadda furitaanka is-diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee gobolka Togdheer iyo degmooyinka Ceel Af-weyn, Gar-adag iyo Caynaba oo lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Munaasibadda furitaanka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay komishanka doorashooyinka qaranka, islamarkaana waxaa kasoo qeyb-galay madaxda saddexda xisbi qaran, daneeyayaasha doorashooyinka iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee ka qeyb-galay Munaasibaddan ayaa waxaa kamid ahaa, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Prof Axmed Muuse Abyan, Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Axmed Ducaale, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Ramaax, Xoghayaha Duulista Bashiir Xamari, Xoghayaha Xidhiidhka Golayaasha Hadliya Ismaaciil, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Xisbiga Cabdi Daahir, Madaxda Xisbiga Ee heer gobol iyo heer Degmo ee gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale.

Munaasibadan ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Guddoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Siciid-ucid, waxaanu dul istaagay muhimadda wacyi-galintu u leedahay Diinwaangalinta, waxaanu bulshada Togdheer ugu baaqay in ay is diinwaangaliyaan isna muujiyaan.

Munaasibaddan ayaa waxay ku soo dhamaatay jawwi deggen.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee UCID Prof Ahmed Muse Abyan , waxaanu dul istaagay muhimadda ay leedahay Diinwaangalintu, waxaanu ka warramay faa’idada ay u leedahay Diinwaangalintu Muwaadinka, isagoo muwaadinka uga digay in uu mustaqbalkiisa Daawade ka noqdo, ta baddalkeedana wuxuu ku dardaaray muwaadinka in uu qaato kaadhka Codaynta sii uu qeyb uga noqon-karo go’aamada masiiriga ah ee quseeya noloshiisa iyo mustaqbalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here