Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo xil cusub magacaabay

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo xil cusub magacaabay

24
0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo xil cusub magacaabay

02,Jan,2022(UCID-Media Group)- Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee Xisbiga Ucid ,ayaa magacaabay xil cusub oo ah: Xoghaye Ku Xigeenka Golaha Dhexe oo loo magacaabay oo loo magacaabay Maxamed Maxamuud Muuse (Dalab)

Warsaxaafadeedka masuulkan lagu magacaabay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Caalamiga ah ee www.XisbigaUcid.com,ayaa waxa uu u dhignaa sida tan: ”

Warsaxaafadeed

Ujeeddo: Xil-Magacaabis

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe isaga oo tix-raacaya qoddobka 22aad farqadiisa 1aad ee xeerka Xisbiga Ucid Sidoo Kalana La Tashaday Guddida Fullinta ,Isla-markaana markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilalkan Banaan ee Xoghaye Ku Xigeenka GolahaDhexe Ee Xisbiga Ucid loo magacaabay Maanta oo taariikhdu tahay 02jan2022 Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Muuse (Dalab).

Sidaa awgeed waxaa la farayaa dhamaan masuuliyiinta Xisbiga Ucid in ay u fududeeyaan hawshaas loo igmaday si hufanna ula shaqeeyaan.

Isla markaana waxa la faray Masuulkan kor ku xusan in ay hawshiisa bilaabo kana soo baxo waajibaadka loo igmaday.

Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo hawsha loo igmaday”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here