Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo Shacabka Somaliland U Diray Hambalyo Sanad-guurada 29 Ee 18 May Aw-geed
Hambalyo Sanad-guurada 29 Ee 18 May Aw-geed
Waxaan marka hore naxariis alleh u waydiinayaa inta inaga baxday ee aan maanta inala ciidaynin laakiin tacab ku lahaa qarankani.
WAA GUUL ALLEH 29 GUURADA JIRITAANKA SOMALILAND
Waxaan marka hore naxariis alleh u waydiinayaa inta inaga baxday ee aan maanta inala ciidaynin laakiin tacab ku lahaa qarankani, hadii ay tahay dib-u-xorreyntii, haddii ay tahay nabadayntii beelaha iyo haddii ay tahay qaranimo dhisanta oo ah ta aynu maanta u dabbaal dagayno sannad guuradeedii 29aad.
Waxkasta oo lakala sheegto-ba, qarannimo lama kala sheegto, dawlad iyo nidaam baa la mucaaradaaye Qaran lama mucaarado, mana aha in aad qaranimada u nacdo, nidaam aanad jeclaysan ama aanad u bogin hoggaankiisa.
Sidaa darteed, maanta taariikhda aynu u debaaldegaynaa waa mid leh xusiddeeda, waa mid ay dhismaheeda u dhammaayeen waxgaradka Woqooyi ama S/Land.
Dalka iyo dadka S/Land wuxu soo maray marxalado iyo maamulo kala duwan 29kaa sano oo ay ka mid ahaayeen xilliyo adag laakiin marka qiimayn guud aynu samayno waxa hubaal ah in aynu gaadhnay guulo la taaban karo oo la tirsan karo. Dhaliisha Mucaaradku maaha mid lid-ku-ah qaranimada, balse dhalliishu waa sifaha lagu keeno horumarka iyo wanaaga, waxaa lagu tartamayaana waa marwalba in talo ka wanaagsan ta jirta la raadiyo, hadii aanu higsiga noocaas ahi jirinna waxay noqonaysaa in aynu markale u gacan gallo nidaam qudha oo dadka yeesha dabadeedna xasuuqa sidii kii hore.
Haddaba munaasabaddan 18ka May 2020 waxaan jeclahay inaan gudbiyo fariimo dhowra:
Haddii aynaan xaqiiqada ka dhaqaaqinna waxayu la mid noqon kuwo foosto dabala biyo ku dhaaminaya, wadajirkeenii wuxu ku dhammaaday 30 sano(1960- 1990), maantana kala maqnaanshaheenii wuxu marayaa 29 sano (1991 – 2020), haddii aad wali u haysataan in Kala Taggeenu Riyo yahay, idinkaa riyo ku jira ee rumaysta.
Walaalahayaga Somalia waxan odhan lahaa, maanta Djibouti oo ahayd dawladdii saddexaad ee Soomaaliyeed ee xorowda, gaar ayay u taagan tahay, waxtar mooyee waxyeelo uma laha Soomaali inteedii kale, Walaalaheenii Kenya iyo Kuwii Ethiopia na inoogama baahna xorreyn ee mid waliba nidaam uu aaminay iyo dawladnimo ay ka mid yihiin ayay haystaan.
Walaalayaal 29 sano ayay idiin suurto gali la’dahay dawladnimo degta oo aad isu aamintaan, mar-walbana sheegashada midnimadii burburtay baa hadaf u noqday nidaamkasta oo aad samaysataan mana hirgalo ee walaalayaal isu tashada anagana noogu tashada inaanu garab idiin noqon doono sida walaalaheena kale ee Djibouti, Kenya iyo Ethiopia oo aamina inaanu dib uga noqonay wadajirkii laakiin walaalnimadii iyo soomaalinimadii ay tahay mid dhiig ah oo dhalasho iyo gacal iyo xigaal ba leh.
Waxaan ku soo gunaanadi fariintaydan yaan waqti intaa kasii badani inagaga lumin ee rumaysta talada iyo go’aanka shacabka S/land oo ku taageera, sidaasaa walaalnimadu ku jirtaaye.