Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta deeq lacageed...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta deeq lacageed oo dhan 1000 Dollar ku wareejiyay Ururka Samafalka Haldoor.

20
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta deeq lacageed oo dhan 1000 Dollar ku wareejiyay Ururka Samafalka Haldoor.
Deeqdan lacageed ayaa ah mid loogu talo-galay barakacayaasha ku dhaqan Degmada Sallaxley oo muddooyinkan dambe xaaladooda laga dayrinayay.
Ururka Haldoor ayaa u istaagay caawinta barakacayaashan, halka Gudoomiye Faysal-na waxaa uu kaga qeyb-qaatay deeqdaas lacageed ee uu maanta ku wareejiyay.

Masuuliyiinta ururka Haldoor ee maanta lacagtaas gudoomay ayaa kala ahaa.- Gudoomiye ku xigeenka Uurka Haldoor Filsan Ciise Waabari, Agaasimaha Guud ee Ururka Yaxye Xanas, Qasnajiga Ururka C.nuur Carab iyo Nadiira Daahir Bootaan oo ah xog-haynta ururka Haldoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here