Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo ka qayb-galay Aas...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo ka qayb-galay Aas qaran Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site

16
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo ka qayb-galay Aas xabaalaha Xaraf ee duleedka Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site oo xalay geeriyooday.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID , ayaa waxa Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site kala qayb-galay Madaxweynaha, xildhibaanno, siyaasiyiin madax dhaqameed, ganacsato iyo boqollaal ka mid ah mudanta reer Somaliland, kuwaas oo marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Xubno ka mid ah  madaxda qaranka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday Xusuusta marxuumka iyo guud ahaanba qoyska reer Abu-site ee uu kasoo jeeday oo taariikh dheer ku leh Somaliland, waxaana ay Eebbe uga rajeeyeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo.

Guddoomiye Eng Faysal Cali Xuseen , ayaa isaguna dhankiisa marxuumka ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa oo ka baxay bulshada reer Somaliland, isla-markaana safka hore kaga jirey ka qayb-qaadashada arrimaha khayriga ah, isaga oo Eebbena uga baryey inuu janneeyo.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site, ayaa kamid ahaa dadka caanka ah ee reer Somaliland, isaga oo ka soo jeeday qoys taariikh dheer ku leh ganacsiga iyo arrimaha Khayriga ah ba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here