Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Oo Xalay Casho Sharaf U...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Oo Xalay Casho Sharaf U Sameeyey Dhakhaatiir Ka Timi Wadanka Taiwan Oo Socaal Shaqo U Jooga Somaliland

14
0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Xalay Casho-sharaf U Sameeyay Dhakhaatiir u dhashay Waddanka Taiwan, Kuwaas Oo Socdaal Shaqo Ku Jooga Somaliland.

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Habeenimadii Xalay Casho-sharaf u sameeyay, dhakhaatiir u dhashay waddanka Taiwan, kuwaas oo socdaal shaqo u jooga Somaliland.

Munaasibaddan casho-sharafta ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay, Dhakhaatiirtan iyo Hogaankoodii, waxaanay u mahad-naqeen Guddoomiye Faysal oo ay uga mahad-naqeen sida uu u sharfay.

Dhakhaatiirtan oo u dhashay Waddanka Taiwan, ayaa todobaad-kii hore soo gaadhay Magaalada Hargaysa ee caasimaddan Somaliland.
Waxaanay adeeg-yo caafimaad ka fuliyeen deegaano ka tirsan Somaliland, iyagoo Dhawaan dib ugu noqon-doona Waddankoodi.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal ayaa qeyb ka ahaa Imaanshiyaha Dhakhtaatiirtan, mana aha markii kowaad ee dhakhaatiirtani ay yimaadaan Somaliland, balse sidan oo kale ayay sannad-kii 2007kii, ay u yimaadeen Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here