Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Saaka Booqday Cusbitaalka Guud...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Saaka Booqday Cusbitaalka Guud Ee Burco

17
0

Guddoomiye Faysal Cali Xuseen Oo Booqday Cusbitaalka Burco.

Burco (Ucid-media Grupp) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ku sugan Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa maanta Booqday Cusbitaalka Burco, si uu u soo arko xaaladda Caafimaad ee Gobolka, gaar ahaan qaab-ka loola tacaalayo Cudurka Covid-19.

Guddoomiyaha ayaa waxaa Xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Cusbitaalka Maxamed Cabdi Suudi, waxaanu uga warbixiyay xaaladda la tacaalidda Cudurka Covid-19 ee cusbitaalka Buro, isagoo sheegay in aanay jirin cid Cusbitaalka ugu dhimatay Cudur-ka Covid-19, balse ay jiraan dad kooban oo cudurkaas u jiifa Cusbitaalka.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray oo sheegay in oday 100-jir ah oo qaba cudurka Covid-19 la keenay cusbitaalka, kadibna markii lala taacaaladay xaaladiisana uu ka bogsaday cudurkaas.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in caqabadda ugu badan ee jirta ay tahay in dad-ku qarsadaan cudurka, isagoo bulshada Burco ugu baaqay in aanay qarsan cudurka ee ay yimaadaan cusbitaalka.

Ugu dambayn Ururka Dhakhaatiirta Gobolka Togdheer, ayaa hadimo-sharafeed Hotel maansoor ee Burco ugu Sameeyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe ayaa maalinta Barri ah, waxaa uu magaalada Burco kaga qeyb-gali-doona Caleemo-saarka Suldaan-cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here