Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , oo maanta Booqday...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , oo maanta Booqday Baanka dhexe ee Somaliland.

16
0

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , oo maanta Booqday Baanka dhexe ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , ayaa maanta Booqday Baanka dhexe ee Somaliland.

Waxaana halkaasi ku qaabilay oo soo dhaweeyay, saraakiisha sare ee Baanka oo uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Bangiga Cali Cabdilaahi Daahir, Gudoomiye ku xigeenka Cabdiraxman Sheekh Xasan Ismaaciil(Musaabaqo), Agaasimaha Bangiga Mukhtaar Cabdi Quule iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha ayaa laamaha kala duwan ee Baanku ka koobanyahay mid mid u booqday, sii uu u soo arko shaqada ka socota Bangiga.

Guddoomiyaha ayaa soo dhaweeyay, horumarka ka hana-qaaday Bangiga iyo hawl-wadeennada ka hawl-gala oo u badnaa dhalinyaradii wax baratay ee jaamacadaha ka baxday.

Waxaa iyaguna dhinacooda halkaasi ka hadlay, Masuuliyiinta sare ee Bangiga oo Gudoomiye Faysal uga mahad-naqay Booqashadiisa maanta, waxaanay ku tilmaameen Guddoomiyaha Hogaamiye qaran oo had iyo jeer isku hawla ka shaqaynta Danta guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here