Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kulan Casho Ah La-...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kulan Casho Ah La- Qaatay Jaaliyadda Somaliland Ee Washington DC Daawo Sawirada

19
0

Gudaha Ka Akhri :Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kulan Casho Ah La Qaatay Jaaliyadda Somaliland Ee Washington Dc + Daawo Sawirada

Washington Dc (UCID-Media Group):- Guddoomiyaha Xibiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maalmahanba safar ku marayey Wadanka Maraykanka, gaar ahaana magaalooyinka Minneapolis iyo magaalo madaxda Marykanka ee Washington, DC.
Safarkan ayaa ujeedadiisu waxay ay ahayd Indho indhayn ku aaddan xaaladda ay ku suganyihiin dadka reer Somaliland ee ku dhaqan waddankan isagoo shirar iyo waraysiyo la qaatay dadka Somaliland ee dagan gobolka menisota, kadibna wuxuu halkaa u sii dhaafay Washington DC .

Halkaas oo uu kula kulmay dowlada Maraykanka iyo Jaaliyada dhawaan la asaasay ee Somaliland Community of Greater Washington.
Gumoomiye Faysal Cali wuxuu casho sharafeed xog wareysiya la qaatay jaaliyada Reer Somaliland ee degan Washington oo xalay barafkii ugu horeeyay aad ugu da’ay, oo dad badan oo doonayay in ay la kulmaan uu barafkii xidhay.
Gudoomiyihu wuxuu aad ugu mahadnaqay Jaaliyada dhowaan xafiiska ka furay Washington, DC, isagoo aadna ugu dhiiriyay in loo baahan yahay in dadka ku dhaqan America ay gamcaha is qabsadaan, si ay caruurta wax dhaxal gal ah ugu sameeyaan halkan, iyo waxa wada qabsi lagu sameeyo oo faa’iido weyn u leh Somaliland .imageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here