Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Gaadhay Borama, Kana Hadlay...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Gaadhay Borama, Kana Hadlay qodobo kala duwan.

16
0

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Gaadhay Borama, Kana Hadlay qodobo kala duwan.

Boorama (UCID-Media Group) “Sidii Dadka loo raafay si qurux-badan may ahayn, Waan cambaaraynayna Qaabka Loo maamulay”

“Ra’isal Wasaaraha Somalia-na Waxaan leeyahay Gurigaaga Hagaajiso”

“Puntland Iyada Markay is qarxiso, kooda ma taabtaane, Masaakiinta kale ayay intay isku xidh-xidhaan ayay toogtaan, ma iyagaa ku faani-kara waxbaanu soo dhawaynaa”

“Somaliland Waxaanu ka samaynayna Kacdoon-dhalinyaro, Waa In Dhalinyaradu Lahaadan Go’aanka Codkooda”

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan qaar kamid ah masuuliyiinta Xisbiga, ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal.

Waxaana gudoomiyaha Magaalada Borama kusoo Dhaweeyay masuuliyiinta Xisbiga ee Gobolka Awdal.

Intaasi kadib, Gudoomiyaha ayaa qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Borama kula shaaheeyay mid kamid ah maqaaxiyaha shaaha ee dhalinyaradu ku kulanto.

Ugu dambayn, Gudoomiye Faysal ayaa warbaahinta kula hadlay Borama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here