Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan xisbiga, ayaa caawa magaalada Hargaysa kulan kula qaatay saraakiil sare oo ka socday Beesha Caalamka.

17
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan xisbiga, ayaa caawa magaalada Hargaysa kulan kula qaatay saraakiil sare oo ka socday Beesha Caalamka.

Waxaana saraakiishan hogaaminaysay, Safiirka Midawga Yurub Ambassador Tiina Intelmann, iyadoo ay wehelinayeen Safiirka Dalka Sweden u fadhiya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ambassador Per Lindgärd iyo la taliyaha Siyaasadda ee EU Maria GROENEVELD.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana uu Gudoomiyuhuu uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo tan la xidhiidha Doorashooyinka, waxaanu u sheegay in ay ku adag-yihiin sidii Doorashadii madaxtooyadu ugu dhici-lahayd wakhtigeedii 13-November ee sannadkan.

Waxaanu intaasi ku daray in arrinta Ururradu tahay mid aan xilligeedi la gaadhin oo lagu carqaladeenayo Doorashada Madaxtooyada.

Kulankan waxaa Gudoomiyaha ku wehelinayay, Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur, Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Ibraahim Cabdi Xuseen, Xoghayaha arrimaha Bulshada Xaliimo Xuseen Yuusuf, Xoghayaha arrimaha gudaha Jaamac Maxamed Cabdi Iyo Xoghayaha gaarka ah ee Gudoomiyaha Maxamed Cabdi Galool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here