Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen, Masuuliyiin...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen, Masuuliyiin isugu jirtay hogaanka sare ee Xisbiga Ucid heer-qaran iyo heer-gobol, oo maanta booqday cusbitaalka guud ee Ceerigaabo.

16
0

Ceerigaabo ( UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo ay Wehelinayeen, Gudoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Sead Omar (Siciid_ucid), Xoghayaha Xidhiidhka Xarunta dhexe iyo Laamaha Dibadda Ee Xisbiga Ucid Mustapha Abdirizak Hussein , iyo Masuuliyiin isugu jirtay Heer-qaran iyo Heer-gobol, ayaa maanta booqday cusbitaalka guud ee Ceerigaabo.

Waxaa waftiga Gudoomiyaha halkaas ku qaabilay Maamulka Cusbitaalka, waxaanu Guddoomiyuhu soo maray isla markaana soo indho-indheeyay qeybaha kala duwan ee Cusbitaalku ka koobanyahay, iyadoo qeyb walba uu maamulkeeda ka dhagaysanayay warbixino la xidhiidha shaqooyinka ay qabtaan iyo adeegyada ay bixiyaan.

Waxaa xusid mudan in cusbitaalka Ceerigaabo qeybo kamid ah uu Guddoomiyuhuu kula kulmay qalab casri ah oon oolin gobollada kale ee dalka.

Ugu dambayn Guddoomiyuhu wuxuu booqday Qeybta laydhka siisa Cusbitaalka, kuwaas oo dabka ka dhaliya tamarta cadceeda(Solar), waxaanay u qalabaysnayd si casri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here