Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal ku gaala-bixiyay, Deegaannada hoos taga Gobolka Hawd Iyo Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodijeex

16
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal ku gaala-bixiyay, Deegaannada hoos taga Gobolka Hawd Iyo Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodijeex.

Socdaalkan ayaa ujeedadiisu ahayd kormeeridda goobaha diinwaangalinta ee deeeganadaas iyo wacyi-galinta bulshada ku nool Deeganadaas.

Waxaa Guddoomiyaha Socdaalkan ku weheliyay, madax isugu jirtay, masuliyiin heer gobol iyo heer degmo, xog-hayayaal, murashaxiin iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ayaa bulshada is diinwaan-galinaysaa ugu bushaareeyay in loo kordhiyay muddadii diinwaangalinta oo loogu daray saddex maalmood oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here