Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa saaka ku soo guryo...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa saaka ku soo guryo noqday Hargaysa

16
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa saaka dib ugu guryo-noqday Hargaysa, kadib safar shaqo uu ugu maqnaa Dalka dibaddiisa.

Guddoomiyaha ayaa Warbaahinta kula hadlay Hoyga uu ka degenyahay Hargaysa, waxaanu sheegay in dalku galay marxalad aanu waligii Filayn.

Sidoo kale Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Maalinta Sabtida ah ay labada Xisbi isugu imanayaan, Kulan ay kaga tashanayaan Xaaladda Dalka.

Ugu dambayn Guddoomiyaha ayaa Bogaadiyay Dhalinyarada Somaliland, Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland ee Uffo awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here