Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Kulan Balaadhan La Yeeshay...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Kulan Balaadhan La Yeeshay Caawa Waxgaradka Iyo Odayaasha Deegaanka Gobolka Sool + Sawiro

23
0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Kulan Balaadhan La Yeeshay Caawa Waxgaradka Iyo Odayaasha Deegaanka Gobolka Sool .

Burco (UCID-Media Group )Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan balaadhan la yeeshay Waxgaradka iyo Odayaasha Deegaanka Gobolka Sool .
Kulankan ayaa ujeeddadiisu daarnayd sidii la isugu baraarujin lahaa Diinwaangalinga Soo socota ee ka bilaabmaysa Gobolka Sool .
Waxaa sidoo kale kulankan qeyb ka ahaa oo ugu muhiimsanaa Taageerayal badan oo ka soo jeeda Deegannadaasi oo cududooda taageero ku biirinayaa Xisbiga Ucid iyo sidii murashaxiintooda uga tartami lahaayeen Xisbiga Ucid .
Odayaashan iyo waxgaradkan ayaa soo bandhigay tabashooyin badan oo ay qabaan taas oo ay ugu mudantahay in hanaankii dawladnimo wali aanu ka hana qaadin Deegannadooda .isla markaana ay ka arradanyihiin adeegyadii bulshada .

Waxaanay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uga mahad naqeen sida milgaha leh ee uu u sharfay una soo dhaweeyay , iyagoo halkaasna ka ballan qaaday in ay diinwaangalinta si toos ah uga qeyb qaadan doonaan maadaama ay dawladuu immika u soo jeedo Deegannadayada oo ay awwal hore dhabarka u jeedisay .

Gunaanadkii Kulankaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaanu si adag ugu dardaaray in ay diinwaangalina is muujiyaan oo ay qaataan kaadhka diinwaangalinta , waxaanu carrabka adkeeyay muhimadda ay leedahay in ay si mug leh uga qeyb qaataan Doorashooyinka maadaama deeganno aanay hore doorasho uga dhicin immika loo qoondeeyay in ay ka dhacdo ._MG_7942_MG_7948_MG_7956_MG_7958_MG_7967

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here