Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, iyo...

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, iyo wafti ka koobaan saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xisbiga Ucid, ayaa maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

10
0

Burco (Ucid-Media Group)

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, iyo wafti ka koobaan saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xisbiga Ucid, ayaa maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Waxaana ujeeddada socdaalka Guddoomiyuhu ku qottontay, ka qeyb-galka munaasabado loo qabtay arday dhamaystay jaamacadaha Burco iyo kulamo uu la qaadanyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Burco.

Guddoomiyaha Iyo Xubno kamid ah Hogaanka xisbiga iyo masuuliyiin kale oo isugu jira heer gobol iyo heer degmo, ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaadanayay qeybaha bulshada sida, Madax dhaqameed, Aqoonyahan, Culimo iyo dhalinyaro.

Ujeeddada ugu wayn ee kulamadani daarnaayeen ayaa ahaa, Muhimadda ay leedahay Midnimada umadda Somaliland iyo sidii loo saari lahaa dad wanaagsan doorashooyinka soo socda.

Waxaanay dhamaan kulamadaasi ku idlaadeen, is af-garad, iyadoo loo ballamay, Adkaynta Midnimada umadda iyo soo saaridda xildhibaanno xul ah oo umadda anfaca.

Dhinaca kale Guddoomiye Faysal Cali iyo Xog-hayaha guud ee Xisbiga Ucid Ahmed Duale ayaa booqday Garoonka labaad ee kubadda Cagta Magaalada Burco, kaas oo ay dhiseen Guddi dhalinyaro ah oo is xilqaamay.

Waxaanu Guddoomiyahu u mahad-naqay dhalinyaradan is xilqaantay ee waxqabadka culus hirgalisay, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb-qaato dhamaystirka Dhismaha Garoonkaasi.

Guddoomiyaha ayaa maalinta barri ah dib ugu laaban-doona magaalada Hargaysa ee Caasimadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here