Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Isla Markasna Ah Musharaha Xisbiga Ayaa Maanta...

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Isla Markasna Ah Musharaha Xisbiga Ayaa Maanta Waxaa Uu Baaq Qayladhaana Gaadhsiiyay Meel Sare

23
0

Guddoomiyaha xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka Isla markaana ah musharaxa xisbiga ayaa maanta waxaa uu baaq qayladhaana gaadhsiiyey labada jimciyadood ee khayriga ah oo kala KRCS Jimciyada bisha cas ee Kuwait iyo Haayada khayriga Islamka ee caalamiga ah IICO Internation Islamic Charterible Organization, gudoomiyaha oo arintan awgeed safar shaqo ugu jooga dalka Kuwait ayaa si diiran Loogu soo dhaweeyay xarumaha labadan haayadood Ku leeyihiin dalka Kuwait. Waxaana qaabilay gudoomiyaha madaxda ugu saraysa haayadahan waxaanu Gudoomiye Faysal usoo bandhigay xaalada abaarta baahsan ee dalka kajirta waxaanu ka codsaday in sida ugu dhaqsaha badan Gargaar bani aadanimo loola soo gaadho dadka Abaaruhu saameeyeen ee reer Somaliland oo dad iyo duunyaba halakeeyeen ilahay subxaanahu ha inaga soo jabiyo abaartee.
Masuuliyiinta haayadahan khayriga ayaa aqbalay codsigii Musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaanay balan qaaday Inay sida ugu dhaqsaha badan uga hawlgali doona ugana soo jawaabi doonan codsiga gudoomiyaha iyagoo sheegay inay dadka tabaalaysan ee Abaartu xoolihii ka dhamaysay lasoo gaadhi doonan Gargaar bani aadanimo oo degdega ishallah.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa noqday gudoomiyihii ugu horeeyey xisbiyada qaranka ee shacabkiisa qayladoon taga waana talaabo wax Ku Tari kartaa dadka Abaaruhu hayaaimg-20161228-wa0035img-20161228-wa0032img-20161228-wa0032fb_img_1482917239688img-20161228-wa0031img-20161228-wa0031img-20161228-wa0034img-20161228-wa0008fb_img_1482917239688fb_img_1482917230832fb_img_1482917226751fb_img_1482917215660img-20161228-wa0011img-20161228-wa0008

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here