Home Wararka Guddaha Ka Eeg Xafladii Soo Dhaweynta Xoghayaha Guud Ee ...

Guddaha Ka Eeg Xafladii Soo Dhaweynta Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Yuusuf Ibraahim Jaamac (Googooye) Sawiro + Maqal Iyo Muuqaal

16
0

Guddaha Ka Eeg Xafladii Soo Dhaweynta  Xoghayaha  Guud Ee  Xisbiga UCID Yuusuf  Ibraahim Jaamac (Googooye) Sawiro + Maqal Iyo Muuqaal

 

 

London(UCID-Media Group) Xigabiga UICD ayaa habeenkii xalay (Sabtidii) kulan baalaadhan ku yeeshay xaaflada Frost Gate ee bari magaalada London oo lagu soo dhaweynayey Xoghayaha Guud ee UCID oo dhawaan uu magacaabay guddoomidiye Faysal Cali Waraabe.

Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay  madaxda laamaha UCID ee UK iyo xubno cusub oo ku soo biiray xisbiga UCID.

Madsha oo hadalo badan laga soo jeediyey , ayaa waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Xuseen oo ka waramay waayaha Somaliland ka jira  isagoo sheegay in aanay waxba ka jirin wax lagu eedeeyo ee ah in uu xisbiga UCID burburinayo.

” “Maantuun baa iigu daran, waligaye imaysoo marin waxa ay lee yihiin xisbiguu burburinayaa, ma wax aad arageen nin wixiisa burburaya…ma wax aad aragteen nin shalayto yimid oo  leh xisbiguu inaga burburinayaa, waar shalaytuu noo yimi…… iyo Muuse ayuu dhisayaa.. ragaa aan wada magacaabay waa dadki Muuse ma ogtahay….kaan xeradiisa ka guranayo ayey leeyihiin Muuse ayuu dhisayaa……ana waxaan islee yahay biluu Muuse kugu soo toosaa oo waan ka baqaa markaa…..” Ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Kulankan yaa sidoo kale Guddoomiye Faysal ku shaaciyey guddoomiyah UK uu si ku meelgaadh ah ugu magacaabayo Idiris Axmed oo uu sheegay in uu yahay nin aad u firfircoon oo khadka cusub ee tageerayaal iyo Xoghayaha-ba isagu u soo xidhay. Guddoomiyihii hore ee  UK ee UCID Shiine Koodbuur ayaa isagu isku sharaxay xildhibaan golaha wakiilada ah..

Sidoo kale dadkii halkaa ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa C/laahi Sheekh Xasan (Daaluut) 00 isagu soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isla markaana ka difaacay Gudoomiye Faysal eedaynaha loo soo jeediyey. Waxaanu C/laahi Daaluut taabtay in Gud. Faysal siyaasad cusub qaatay ka dib intii ka dambaysay doorashadii uu xisbigu ku soo baxay iyo isagoo dhaliilay garabka ka horyimid siyaasadaas.

Halkan Hoose Ka Daawo


DSCN4591DSCN4588DSCN4586DSCN4590DSCN4591DSCN4593 DSCN4594 DSCN4595 DSCN4596 DSCN4599 DSCN4600 DSCN4601 DSCN4602 DSCN4603 DSCN4604 DSCN4605 DSCN4608 DSCN4609 DSCN4610DSCN4611 DSCN4612 DSCN4613 DSCN4615 DSCN4616 DSCN4617 DSCN4618 DSCN4620 DSCN4623 DSCN4625 DSCN4626 DSCN4627 DSCN4628 DSCN4629 DSCN4630 DSCN4631 DSCN4632 DSCN4635 DSCN4637 DSCN4638 DSCN4640 DSCN4643 DSCN4644 DSCN4645 DSCN4646 DSCN4647 DSCN4648 DSCN4649 DSCN4650 DSCN4651 DSCN4652 DSCN4653 DSCN4654 DSCN4655 DSCN4659 DSCN4661 DSCN4663 DSCN4664 DSCN4665 DSCN4666 DSCN4667

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here