Home Wararka Gudaha Ka Eeg : “ Xisbiga Ucid Waa Lagu Soo Biirayaa ,...

Gudaha Ka Eeg : “ Xisbiga Ucid Waa Lagu Soo Biirayaa , Dad Badan Ayaa Imanayaa , Khilaaf Kama Jiro Xisbiga Ee Waxaan U Arkaa In Ay Tahay Mashruuc Ku Socda Xisbiga Oo La Doonayo In La Yidhaa Waa La Isku Haystaa ..” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Qodobo Xasaasi Ah + Daawo Sawirada

12
0

Gudaha Ka Eeg : “ Xisbiga Ucid Waa Lagu Soo Biirayaa , Dad Badan Ayaa Imanayaa , Khilaaf Kama Jiro Xisbiga Ee Waxaan U Arkaa In Ay Tahay Mashruuc Ku Socda Xisbiga Oo La Doonayo In La Yidhaa Waa La Isku Haystaa ..” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Qodobo Xasaasi Ah + Daawo Sawiradareceived_987637921326113

Hargaysa(UCID-Media Group)-  Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Dalka , ka dib safarro dibadda ah oo uu kaga maqnaa dalka .

 

Waxaana Gudoomiyaha Madaarka kaga hor tagay kuna soo dhaweeyay , masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Ucid , Madax Dhaqameed iyo Masuuliyiin kale .

 

Gudoomiyaha oo qolka nasashada Ee Madaarka Hargaysa ugu waramayay Warbaahitna ayaa ugu horeen tacsi u diray Eheladii ay baxeen DHalinyaradii ku dhimatay doontii  ku dagtay Badda Masar .

 

Sidoo kale Gudoomiyaha oo ka hadlay Wada Hadallada Somaliland iyo Somalia ayaa soo jeediyay in aan wada hadallada Somaliland Iyo Somalia la sii wadin inta ay meesha ka baxayso bu yidhi Dawladdan uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh , maadaama bu yidhi aanay Daacad ka ahayn wada hadallada .

 

Gudoomiyaha oo ka hadlayay Xaaladda Xisbiga Ucid ayaa sheegay in aanu jirin Khilaaf ka dhex jira Xisbiga , balse bu yidhi uu jiro mashruuc ku socda xisbiga oo la rabo in sawir khaldan laga bixiyo Xisbiga  si aan loogu soo biirin , waxaanu carrabka ku adkeeyay in Xisibga ay ku soo biirayaan Dad iyo siyaasiyiin Miisaan leh .

 

War-fidiyeennada oo wax ka waydiiyay Dacwadda ka dhanka ah Gudoomiyaha ee la Gudbiyay ayaa sheegay in aanay waxba soo kordhinayn , isagoo sheegay in Xisbigu Nidaam iyo sharciba uu leeyahay , waxaanu si gaar ah hoosta uga xariiqay dad uu ku tilmaamay in ay sheeganayaan xilal aan cidi u magacaabin .

 

Sidoo kale mar Gudoomiyaha wax laga waydiiyay Xaaladda Banka Qoolcaday , waxaanu Gudomiye faysal soo jeediyay in Dadka si fiican loo wacyi galiyo , bulshada Deegaankaana wuxuu ugu baaqay in ay ka faa’idaystaan Mashruucan oo uu ku tilmaamay mid faa’ido badan u leh Dadka Deegaanka .

Ugu danbeentii waxaa su’aal laga

waydiiyay halka uu marayo wada hadalladii Xisbiga Ucid iyo Isbahaysiga Kulmiye , waxaanu sheegay in ay laba jeer kulmeen , isla markaana haddi bu yidhi ay khayr u leeyihiin Xisbiga in uu alle keeno Haddi kalena uu garab mariyo 

received_987637881326117received_987637887992783received_987637894659449received_987637897992782received_987637904659448received_987637901326115received_987637907992781received_987637911326114received_987637914659447received_987637917992780received_987637921326113received_987637924659446received_987637927992779received_987637877992784received_987637881326117

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here