Home Wararka Daawo:Xisbiga UCID Oo Caawa Barnaamijkiisa Siyaasiga Ah Ku Soo Bandhigay Xarunta Gobolka...

Daawo:Xisbiga UCID Oo Caawa Barnaamijkiisa Siyaasiga Ah Ku Soo Bandhigay Xarunta Gobolka Awdal Ee Borama .  

12
0

Daawo:Xisbiga UCID Oo Caawa Barnaamijkiisa Siyaasiga Ah Ku Soo Bandhigay Xarunta Gobolka Awdal Ee Borama .

 

Borama(UCID -Media Group):-Waxaa caawa hotel Rays Ee Magaalada Borama lagu soo bandhigay Barnaamijka Siyaasiga ah Ee Xisbiga UCID .
Waxaana xafladda bandhiga ka soo qeyb-galay masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID oo uu hormuud u ahaa Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Fasyal Cali Waraabe, Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad Ee UCID C.naasir Buuni , isla markaana ay wehelinayeen Masuuliyiinta Xisbiga Ee Heer-gobol iyo Heer-degmo iyo Dad-wayne aad u tiro-badan oo soo buux-dhaafiyay Hoolka, Si ay uga qeyb-qaataan, isla markaana ay goob-jooga uga noqdaan madasha lagu soo bandhigayo Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga UCID .
Waxaana halkaasi lagu soo bandhigay Barnaamijka Xisbiga UCID, oo ah barnaamij casri ah oo dalkan u horseedayaa barwaaqo iyo horumar .
Bulshadii madashaas ku sugnayd ayaa aad u dhuganayay, una dhagaysanayay markii aqoonyahanka Xisbigu ay ku nuux-nuuxsanayeen Barnaamijka Xisbiga, waxaanay kaga fal-celinayay sacab iyagoo aad-na u soo dhaweenayay .
Murashaxa Madaxweyne Ee UCID ayaa gabogabadii xafladaasi uu ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, taas oo uu nuxurkeedu ahaa in bulshada Reer Somaliland ay codkooda ugu hiilin lahaayeen qarannimada, oo ay dooran lahaayeen Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here