Home Wararka Daawo Muuqaal : Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Qeyb Galay Munaasibad...

Daawo Muuqaal : Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Qeyb Galay Munaasibad Loogu Wan-Qalay Degmada Cusub Ee Balli-Mataan + Soo Dhaweentii Ugu Balaadhanayd Oo Lagu Qaabilay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe + Sawiro

17
0

Gudoomiyaha Xisbga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka qeyb galay Munaasibad Si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu wan-qalayay Degmada Cusub Ee Balli-Mataan .

Waxaana Gudoomiyuhu markii uu soo galay Madashii xafladda uu kala kulmay  soo dhaween aad u balaadhan, iyadoo dhamaan dadkii halkaa ku sugnaa ay fadhiga ka kaceen, isla markaana ay si niyad-san u soo dhaweeyeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad aad loola dhacay, waxaanu ka waramay taariikhdii Mataan ee magaaladan loogu magac daray .

Sidoo kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi kaga dhawaaqay Lacag dhan 5000 Dollar oo uu kaga qeyb qaadanayo Horumarinta Degmada Balli-Mataan .

Ururka Barkhadle ayaa Shahaado sharaf ku maamuuay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

 

Hoos Ka Daawo Soo Dhaweentii Balaadhnayd Ee Lagu Qaabilay iyo Khudbadii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

 

 

IMG_5275 IMG_5276 IMG_5281 IMG_5308 IMG_5345 IMG_5405 IMG_5425 IMG_5469 IMG_5483 IMG_5576 IMG_5629 IMG_5639

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here