Home Wararka Daawo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Masuulkii Ugu Horeeya Ee Shacabka...

Daawo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Masuulkii Ugu Horeeya Ee Shacabka Reer Burco Dhex Lugeeyay isagoo U Kuur Galaaya Xaalada Dadka.

10
0

Daawo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Masuulkii Ugu Horeeya Ee Shacabka Reer Burco Dhex Lugeeyay isagoo U Kuur Galaaya Xaalada Dadka.

Burco (UCID-Media Group)Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Maanta Booqasho Ku Tagay Suuqa Ganacsi, Sayladda Xoolaha, Xarunta Akhirs-Ka Iyo Qoraal-Ka Ee Halkaraan Iyo Xarunta Warbaahinta Ka Hawl-Gasha Burco Ee Togdheer Media Center .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Maanta Booqasho ku tagay Goobo muhiima oo ku yaal Magaalada Burco, kalana ahaa Suuqa, Sayladda Xoolaha, Xarunta Halkaraan iyo Xarunta Warbaahinta ka hawl-gasha Magaalada Burco Ee Todheer Media .
Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa saaka subaxnimadii waxaa ay booqasho kadis ah ku tageen Suuqa ganacsi Ee Magaalada Burco, iyadoo uu halkaas-na ay kala kulmeen soo dhawayn diiran, waxaanu Gudoomiyuhu u kuur-galay Xaaladda dhabta ay ku suganyihiin bulshada ku ganacsata Suuqaasi, maadaama uu jiro sicir-barar saameen taban ku yeeshay nolosha bulshada .
Bulshada ayaa si isku mid ah dareenkooda uga cabbiray Sixir-bararka iyo saameenta taban ee uu noloshoodi iyo ganacsigoodiba ku yeeshay, waxaanay cod-dheer ku sheegeen in ay u baahanyihiin xal rasmi ah oo lagu furdaamiyo Sixir bararka .
Intaasi ka dib Gudoomiyuhu waxaa uu uga gudbay Sayladda Xoolaha Ee Burco, iyadoo halkaas-na uu kala kulmay Soo dhawayn aad u balaadhan, iyadoo markii danbena Gudoomiyuhu uu xaal-waraystay Bulshadii ku sugnayd Sayladda, waxaanay u sheegeen in Xoolihii Dhamaaday, isla markaana ta baddalkeeda Xoolihii baladiga ahaa uu yahay kan hadda lagu iibinayo Sayladda, sidoo kale waxay tilmaameen in Qiimihii Xooluhu uu sare u kacay, sixir-bararka jira awgeed, qiima-dhac-na ku yimid Shilinkii Somaliland .
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa intaasi ka dib wuxuu booqday Xarunta Akhris-ka Iyo Qoraalka Halkaraan Ee Burco, waxaanu halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Ururkaasi Halkaraan .
Gudoomiyaha Ururka Halkaraan Ee Burco Mustafe Teacher oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xaruntan ku soo dhawaynayaan Gudoomiyaha iyo Waftigiisa, waxaanu xusay in Gudoomiye Faysal yahay Gudoomiyihii kowaad ee soo booqda Xaruntan, sidoo kale waxaa uu milicsaday Taarikhdii la furay Xaruntan oo ahayd 2009, isagoo sheegay in Gudoomiye Faysal Door Muhiima ku lahaa yagleelidii Xaruntan .
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Xaruntan ay ka faa’idaystaan Dhalinyarada Magaalada Burco, waxaanu sheegay in buugaagta ku qoran af-soomaaligii ay ku yar-yihiin Xaruntan, isla markaana ay u baahanyihiin in wax lagala qabto horumarinta Xaruntan .
Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu amaanay dhalinyaradaasi dadaalka ay sameeyeen, waxaanu u ballan-qaaday in uu kala shaqayn doono horumarka Xaruntan .
Ugu danbayn Gudoomiyaha ahna Murasahxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu booqashadiisi Saaka uu ku soo af-meeray Xarunta Warbaahinta ka hawl-gasha Burco ee Tog-dheer Media Center, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxda iyo suxufiyiinta Xaruntaasi .
Gudoomiyaha Xaruntaasi Siciid Saleebaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin Booqashada Gudoomiye Faysal CaliWarabe, Waxaanu sheegay in uu yahay Gudoomiyihii ugu horeeyay ee soo booqda Xaruntoodan .
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo halkasi ka hadlay ayaa uga mahad-naqya sida ay xaruntan ugu soo dhaweeyeen, waxaanu ugu baaqay in ay dadaalkooda halka ka sii wadaan, isagoo u soo jeediyay in ay dhawraan Danta guud ee qaranka, bulshadana ay si hufan ugu shaqeeyaan .
Booqasahda Gudoomiyahu intay ay socotay, waxaa xusid mudan in dhamaan goobihii uu maray Gudoomiyuhu uu kala kulmayay soo dhawaymo heer-sare ah, bulshadii kala duwanayd ee gudoomiyuhu booqdayna ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahayd “ Guulayso Gudoomiye ” .
Booqashada Gudoomiyaha oo ay ku wehelinayeen Saraakiil Sare oo ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa ku soo dhamaaday Jawwi Degen .FB_IMG_1494328107053

FB_IMG_1494328171518

FB_IMG_1494328162042

FB_IMG_1494328148290

FB_IMG_1494328124594

FB_IMG_1494328135184

FB_IMG_1494328084537

FB_IMG_1494328070852

FB_IMG_1494328094623

FB_IMG_1494328104016

FB_IMG_1494328151858

Screenshot_20170509-130218

FB_IMG_1494328113587

FB_IMG_1494328119060

FB_IMG_1494328158637

FB_IMG_1494328091446

FB_IMG_1494328139142

FB_IMG_1494328100687

FB_IMG_1494328155274

FB_IMG_1494328097378

FB_IMG_1494328143221

FB_IMG_1494328110106

FB_IMG_1494328116375

FB_IMG_1494328107053

FB_IMG_1494328087963

FB_IMG_1494328165272

FB_IMG_1494328074529

FB_IMG_1494328081290

FB_IMG_1494328168380

FB_IMG_1494328131885

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here