Home Wararka Casho-Sharaf Lagu Maamuusayay Hogaamiyaha Khaatumo Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Xalay Ka...

Casho-Sharaf Lagu Maamuusayay Hogaamiyaha Khaatumo Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Xalay Ka Dhacday Borama .

10
0

Casho-Sharaf Lagu Maamuusayay Hogaamiyaha Khaatumo Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Xalay Ka Dhacday Borama .

 

Casho-sharaftan oo ay ka soo qeyb galeen Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo xubno ka mida Khaatumo, Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiiru Dawlaha Waxbarashada, Salaadiinta ugu waawayn Gobolka Awdal iyo Masuuliyiin kale ayaa xalay ka dhacday Haldoor Hotel Ee Borama .

Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Waxbarashada C/laahi Habbane, waxaanu safarka Prof Cali Khaliif Ee Borama ku tilmaamay mid siyaasad ka fog, isla markaana ku kooban booqasho uu ku tagayay Jaamacadda Camuud Oo uu waxbarashadiisi ka soo bilaabay iyo in uu soo arko Magaalada Borama .

Waxaa iyaguna halkaaasi ka hadlay Salaadiin kala duwan, waxaanay si kal iyo laab ah u soo dhawayeen Prof Cali khaliif .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu ku koobnayd Booqashada Jaamacadda Camuud iyo Magaalada Borama, isagoo halkaasna ka jeediyay dardaaran la xidhiidha qiimaha ay nabaddu leeday, waxaanu soo jeediyay in laga wada shaqeeyo Midnimada iyo wada jirka Somaliland .

Pro Cali Khaliif oo gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay khaatumo ahaan ay diyaar u yihiin nabad iyo wax la wada yeesho, isagoo u mahad-naqay Reer Borama sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen .

Sidoo kale Wuxuu ku dheeraaday baahiyaha waxbarasho iyo maraaxilkii la soo maray, waxaanu ku taliyay in danta guud gacmaha la isku qabsado .

 

 

IMG_0018 IMG_0019 IMG_0022 IMG_0026 IMG_0038 IMG_0041 IMG_0043 IMG_0044

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here