Home Wararka Akhri Oo Dhagayso :Dhalinyarada Degmooyinka Caasimadda Hargaysa Oo Bogaadiyay Socdaalkii Nabadda Iyo...

Akhri Oo Dhagayso :Dhalinyarada Degmooyinka Caasimadda Hargaysa Oo Bogaadiyay Socdaalkii Nabadda Iyo Mideenta Somaliland Sidoo Kalena Caawa Casho Sharaf Ku Maamuusay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe + Daawo Sawirada

20
1

Hargaysa(UCID-Media Group)- Dhalinyarada Degmooyinka Caasimadda Hargaysa ayaa si wayn u soo dhaweeyay una bogaadiyay Socdaalkii Nabadda Iyo Mideenta Somaliland kaas oo Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku maray Goboladda iyo Deegannada Bariga Somaliland .

Waxaanay Dhalinyaradani ay casho sharaf ku maamuuseen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe taas oo caawa ka dhacday Guuleed Hotel ee Magaalada Hargaysa .

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Ee Xisbiga Ucid C/qani Salaf waxaanu sheegay in ay xisbi ahaan uga mahad naqayaan dhalinyaradan Maamuuska ay u sameeyeen iyo sida ay u soo dhaweeyeen Socdaalkii Nabadda Iyo Mideenta Somaliland .

Laba Xubnood oo ka mid ah Dhalinyarada oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Cashadan ugu talo galeen in ay Gudoomiyaha ugu muujiyaan siday ugu diirsadeen Socdaalkiisi Bariga sidoo kalena ay ku faraxsanyihiin sida uu Gudoomiye Faysal u yahay Dal jir dadkiisa iyo dalkiisa Jecel .

Sidoo kale Xisbiga Ucid waxay ku tilmaameen in uu yahay ka kaliyaa ee Mideen karaa Bulshada Reer Somaliland .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ugu danbeentii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay dhalinyaradan uga mahad naqayaan sida ay u casuumeen ee ay u sharfeen , waxaanu sidoo kale ka warramay socdaalkisii iyo natiijadii ka dhalatay .

Waxaanu Gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay sida dal loo dhisan karo waxaanu sheegay in Dal lagu dhisi karo wada jri iyo qabyaaladda oo laga fogaado .

Gudoomiyaha ayaa dhalinyarada ku gubaabiyay in ay ilaashadaan Mustaqbalkooda oo ay noqdaan kuwo iska ilaaliyaha dabinnada ay maleegayan cadawga Somaliland .

2016-01-08 02.10.052016-01-08 02.09.192016-01-08 02.12.092016-01-08 02.13.392016-01-08 02.13.392016-01-08 02.13.392016-01-08 02.14.51FB_IMG_1452216623994FB_IMG_14522166371022016-01-07 19.47.24

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here