Home Wararka Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliyihii Qaybta Boliska Ee Barbera Marxuum Cabdirisaaq...

Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliyihii Qaybta Boliska Ee Barbera Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Casayr .

14
0

Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliyihii Qaybta Boliska Ee Barbera Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Casayr .

Barbera (UCID-medai Group)- Waxaa Maanta Aas Qaran loo Sameeyey Taliyihii Qaybta Boliska Barbera Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Casayr oo saaka 10 subaxnimo lagu aasay xabaalaha Gunbur wananood.

Aaskan ayaa waxaa ka qayb galay
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye xubno ka tirsan golaha wasiirada sidoo kale Maamulka Iyo Masuuliyiinta Gobolka Saaxil madaxdhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimi dhamaan gobolada dalka.

Aaskan Qaran Ee Saaka Loo Sameeyey Marxuumka Ayaa Qabsoomay Kadib Markii Ciidamada Amaanku Gacanta Kusoo Dhigeen Dablaydii Hubaysnayd Ee Dishay Marxuumka.
Masuuliyiintii Ka Qaybgalay Aaska Ayaa Dhamaantoodba Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyskii Caruurtii, Qaraabadii , Ciidanka Boliska Iyo Dhamaanba Qaranka Somaliland .

“Taliye Casayr wuxuu ahaa nin hawlkara oo shaqadiis ka adag sida ay sheegeen dadkii aqoonta u lahaa, wuxuuna dhintay isagoo Qaranka u adeegay oo hawl Qaran.

Aaskan loo sameeyey Taliya Casayr ayaa ahaa mid aan loo kala hadhin Shacab iyo Xukuumadba, dhammaan dadweyeynihii iyo Masuuliyintii kasoo qeyb galay ayaa uga markhaati kacay shakhsiyadii wanaagsanayd ee uu lahaa Taliye Casayr.
Waxaanu Alle uga baryeynaa in Uu Su’aasha u fuddudeeyo oo qabriga u nuuro.
Aamiin Aamiin Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here