Home Wararka Xoghayaha Guud Iyo Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga UCID Oo Maanta...

Xoghayaha Guud Iyo Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga UCID Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Somalia Iyo Somaliland .

22
0

Kulll

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

Ref/UCID/XDH/155/2016                                                                        30/08/2016

Ujeedo/War-Murtiyeed Kooban

Xoghaya Guud ee Xisbiga UCID Mud Yusuf Ibrahim Googooye Iyo Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID ayaa Kulan muddo saacad ah qaatay Waxay maanta la yeesheen Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews iyo wefti ay Hoggaaminayso oo booqasho ku jooga dalka JSL .
kulanka Dhex maray Masuuliyiinta Xisbiga UCID Iyo Safiirka ayaa ahaa mid diirada lagu Saaray, Xaalada siyaasadeed ee Somaliland iyo Sidii loo Xoojin lahaa xidhiidhka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dalka igiriiska.
Waxa sidoo kale ay isla lafa gureen labada dhinac Qabsoomida doorashooyinka Somliland, iyadoo masuuliyiinta xisbiga UCID ay carabka ku adkeeyeen in ay xisbi ahaan ka go’antay, sidii labada doorasho ee wakiilada iyo Madaxtooyadda mar loo wada qaban lahaa, uguna qabsoomi lahaayeen waqtigooda.
Qodobada kale ee labada dhinac isla soo qaadeen waxa ka mid ahaa horumarada iyo dadaalada nabadeed ee ka socda deegaanada Bariga Somaliland oo mudooyinkii u danbeeyay ay Si habsami leh uga socotay Diiwaangalinta codbixiyayaashu, iyada oo ay labada dhinac isla garteen inay tahay talaabo hore loo qaaday, waajib-na tahay in halkaas laga sii wado .
Masuuliyiinta Xisbiga UCID waxa ay Safiirka iyo Dawlada ingriiska u soo bandhigeen in baahi loo qabo in ay Dawlada Ingiriiska iyo Qaadhaan bixiyaasha kaleba ay kordhiyaan Qaadhaankii ay awalba kaga qayb qaadan jireen geedi socodka Doorashooyinka Somaliland

Ugu danbayntii Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews oo ay wehelinaysay Lizzie Lovett, oo ah Sarkaalad Sare oo ka tirsan Safaarada UK ee Addis Ababa ayaa waxay si wayn ugu mahad celisay Xoghayaha Guud iyo Masuuliyiintii kale ee kulanka ku wehelinayay, iyadoo si wayn usoo dhawaysay aragtida Cad ee uu Xisbiga UCID ka leeyahay qabsoomida Doorashooyin Somaliland inay ku qabsoomaan waqtigii loogu talo galay ee ay Maxkamada JSL Xukuntay, waxa kale oo ay carabka ku adkaysay Safiirku inay Dawlada UK ka Go’antay inay Sii wadaan wada shaqaynta iyo Xidhiidhka soo jireenka ah ee ay wada leeyihiin Somaliland iyo UK.

Xoghayaha War-Faafinta Xisbiga UCID

Md: Yusuf Kayse Cabdi-Laahi

————

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here