Home Wararka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID oo xil cusub magacaabay

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID oo xil cusub magacaabay

21
0

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID oo xil cusub magacaabay

Hargeysa (UCID-Media Group) Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Dhexe ee xisbiga ucid oo masuulkan lagu magacaabay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Caalamiga ah ee www.XisbigaUcid.com,ayaa waxa uu u dhignaa sida tan: ”

Warsaxaafadeed

Ujeeddo: Xil-Magacaabis

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Sheikh Ibrahin Cabdi Xuseen isaga oo tix-raacaya qoddobka 22aad farqadiisa 1aad ee xeerka Xisbiga Ucid Sidoo Kalana La Tashaday Guddida Fullinta ,Isla-markaana markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilalkan Banaan ee guddoomiyaha Degmada Fara-wayne Ee Xisbiga Ucid loo magacaabay Maanta oo taariikhdu tahay 06jan2022 Mudane CabdifataaxMowliidMaxamed.

Sidaa awgeed waxaa la farayaa dhamaan masuuliyiinta Xisbiga Ucid in ay u fududeeyaan hawshaas loo igmaday si hufanna ula shaqeeyaan.

Isla markaana waxa la faray Masuulkan kor ku xusan in ay hawshiisa bilaabo kana soo baxo waajibaadka loo igmaday.

Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo hawsha loo igmaday”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here